يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
Ya ayyuha almuddaththir
(Nabiga) Isadadayow.
The Cloaked One
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
Ya ayyuha almuddaththir
(Nabiga) Isadadayow.
قُمْ فَأَنذِرْ
Qum faanthir
Istaag oo dig.
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ
Warabbaka fakabbir
Eebahaana waynee.
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
Wathiyabaka fatahhir
Dharkaagana daahiri.
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ
Warrujza fahjur
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ
Wala tamnun tastakthir
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ
Walirabbika fasbir
Eebahaa Dartiisna u Samir.
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ
Fa-itha nuqira fee annaqoor
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ
Fathalika yawma-ithin yawmunAAaseer
Maalintaasu waa maalin ku Daran.
عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ
AAala alkafireena ghayruyaseer
Gaalada oon u Fududayn.
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا
Tharnee waman khalaqtu waheeda
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا
WajaAAaltu lahu malan mamdooda
Una yeelay Xoolo Badan.
وَبَنِينَ شُهُودًا
Wabaneena shuhooda
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا
Wamahhadtu lahu tamheeda
Aan una waasiciyay Risqiga.
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ
Thumma yatmaAAu an azeed
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.
كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَـٰتِنَا عَنِيدًا
Kalla innahu kana li-ayatinaAAaneeda
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا
Saorhiquhu saAAooda
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
Innahu fakkara waqaddar
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Faqutila kayfa qaddar
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Thumma qutila kayfa qaddar
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
ثُمَّ نَظَرَ
Thumma nathar
Kadib wuxuu eegay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ
Thumma AAabasa wabasar
Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ
Thumma adbara wastakbar
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
فَقَالَ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ
Faqala in hatha illa sihrunyu/thar
Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ
In hatha illa qawlu albashar
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ
Saosleehi saqar
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ
Wama adraka ma saqar
Ma taqaannaa Naarta Saqara.
لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ
La tubqee wala tathar
Hilib iyo laf midna ma Reebto.
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ
Lawwahatun lilbashar
waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ
AAalayha tisAAata AAashar
waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَـٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَـٰٓئِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَـٰنًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَـٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَـٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَـٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ
Wama jaAAalna as-habaannari illa mala-ikatan wamajaAAalna AAiddatahum illa fitnatan lillatheenakafaroo liyastayqina allatheena ootoo alkitabawayazdada allatheena amanoo eemananwala yartaba allatheena ootoo alkitabawalmu/minoona waliyaqoola allatheena feequloobihim maradun walkafiroona mathaarada Allahu bihatha mathalan kathalikayudillu Allahu man yashao wayahdee man yashaowama yaAAlamu junooda rabbika illa huwa wamahiya illa thikra lilbashar
Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.
كَلَّا وَٱلْقَمَرِ
Kalla walqamar
Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.
وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ
Wallayli ith adbar
Iyo Habeenku Markuu Jeedsado.
وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ
Wassubhi ithaasfar
Iyo Subaxu markuu iftiimo.
إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ
Innaha la-ihda alkubar
Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ
Natheeran lilbashar
Waana Digniinta Dadka.
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ
Liman shaa minkum an yataqaddama awyataakhkhar
Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).
كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ
Kullu nafsin bima kasabat raheena
Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.
إِلَّآ أَصْحَـٰبَ ٱلْيَمِينِ
Illa as-haba alyameen
Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).
فِى جَنَّـٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ
Fee jannatin yatasaaloon
Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.
عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ
AAani almujrimeen
Dambiilayaasha.
مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ
Ma salakakum fee saqar
Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.
قَالُوا۟ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ
Qaloo lam naku mina almusalleen
Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ
Walam naku nutAAimu almiskeen
Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ
Wakunna nakhoodu maAAa alkha-ideen
Waxaana ahayn kuwa la dhumbada ( Muquurta ) kuwa xumaanta Dhumbaday (muquurtay).
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Wakunna nukaththibu biyawmi addeen
Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ
Hatta atanaalyaqeen
Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَـٰعَةُ ٱلشَّـٰفِعِينَ
Fama tanfaAAuhum shafaAAatu ashshafiAAeen
Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca.
فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ
Fama lahum AAani attathkiratimuAArideen
Maxaase u sugnaaday oy waanada uga Jeedsadaan.
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ
Kaannahum humurun mustanfira
ood u moodaa Dameero Diday.
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ
Farrat min qaswara
oo ka Cararay libaax.
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً
Bal yureedu kullu imri-in minhum an yu/tasuhufan munashshara
Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab).
كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
Kalla bal la yakhafoonaal-akhira
Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro.
كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌ
Kalla innahu tathkira
Waxaa sugan in Quraanku waana yahay.
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Faman shaa thakarah
Ruuxii Doona yaana waantoobi.
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ
Wama yathkuroona illaan yashaa Allahu huwa ahlu attaqwawaahlu almaghfirat
Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inuu Dambi Dhaafo.