يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ
Ya ayyuha almuzzammil
(Nabiga) Isduuduubayow.
The Enshrouded One
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ
Ya ayyuha almuzzammil
(Nabiga) Isduuduubayow.
قُمِ ٱلَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا
Qumi allayla illa qaleela
Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee.
نِّصْفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا
Nisfahu awi onqus minhu qaleela
Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ ٱلْقُرْءَانَ تَرْتِيلًا
Aw zid AAalayhi warattili alqur-anatarteela
Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican.
إِنَّا سَنُلْقِى عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا
Inna sanulqee AAalayka qawlan thaqeela
Annagaa Kugu Dajin Hadal Culus (wayne).
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيْلِ هِىَ أَشَدُّ وَطْـًٔا وَأَقْوَمُ قِيلًا
Inna nashi-ata allayli hiya ashaddu wat-anwaaqwamu qeela
Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan.
إِنَّ لَكَ فِى ٱلنَّهَارِ سَبْحًا طَوِيلًا
Inna laka fee annahari sabhantaweela
Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer.
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلْ إِلَيْهِ تَبْتِيلًا
Wathkuri isma rabbikawatabattal ilayhi tabteela
Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go'.
رَّبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذْهُ وَكِيلًا
Rabbu almashriqi walmaghribi lailaha illa huwa fattakhithhu wakeela
Qorrax ka soobax iyo u Dhacba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا
Wasbir AAala mayaqooloona wahjurhum hajran jameela
kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag).
وَذَرْنِى وَٱلْمُكَذِّبِينَ أُو۟لِى ٱلنَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا
Watharnee walmukaththibeenaolee annaAAmati wamahhilhum qaleela
Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug.
إِنَّ لَدَيْنَآ أَنكَالًا وَجَحِيمًا
Inna ladayna ankalan wajaheema
Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo.
وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا
WataAAaman tha ghussatinwaAAathaban aleema
Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran.
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا
Yawma tarjufu al-ardu waljibaluwakanati aljibalu katheeban maheela
(waxay ku dhici Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda.
إِنَّآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَـٰهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا
Inna arsalna ilaykum rasoolanshahidan AAalaykum kama arsalna ilafirAAawna rasoola
Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul.
فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذْنَـٰهُ أَخْذًا وَبِيلًا
FaAAasa firAAawnu arrasoolafaakhathnahu akhthan wabeela
Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran.
فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ ٱلْوِلْدَٰنَ شِيبًا
Fakayfa tattaqoona in kafartum yawmanyajAAalu alwildana sheeba
Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan.
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرٌۢ بِهِۦ ۚ كَانَ وَعْدُهُۥ مَفْعُولًا
Assamao munfatirunbihi kana waAAduhu mafAAoola
Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici.
إِنَّ هَـٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
Inna hathihi tathkiratun famanshaa ittakhatha ila rabbihi sabeela
Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho.
۞ إِنَّ رَبَّكَ يَعْلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدْنَىٰ مِن ثُلُثَىِ ٱلَّيْلِ وَنِصْفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٌ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَ ۚ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ ۚ عَلِمَ أَن لَّن تُحْصُوهُ فَتَابَ عَلَيْكُمْ ۖ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلْقُرْءَانِ ۚ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرْضَىٰ ۙ وَءَاخَرُونَ يَضْرِبُونَ فِى ٱلْأَرْضِ يَبْتَغُونَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ ۙ وَءَاخَرُونَ يُقَـٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ۖ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنْهُ ۚ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا ۚ وَمَا تُقَدِّمُوا۟ لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا ۚ وَٱسْتَغْفِرُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌۢ
Inna rabbaka yaAAlamu annaka taqoomu adnamin thuluthayi allayli wanisfahu wathuluthahu wata-ifatunmina allatheena maAAaka wallahu yuqaddiruallayla wannahara AAalima an lan tuhsoohufataba AAalaykum faqraoo ma tayassara minaalqur-ani AAalima an sayakoonu minkum marda waakharoonayadriboona fee al-ardi yabtaghoona min fadliAllahi waakharoona yuqatiloona fee sabeeliAllahi faqraoo ma tayassara minhu waaqeemooassalata waatoo azzakatawaaqridoo Allaha qardan hasanan wamatuqaddimoo li-anfusikum min khayrin tajidoohu AAinda Allahihuwa khayran waaAAthama ajran wastaghfirooAllaha inna Allaha ghafoorun raheem
Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste.