هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَـٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
Hal ata AAala al-insani heenunmina addahri lam yakun shay-an mathkoora
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
The Man
هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَـٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
Hal ata AAala al-insani heenunmina addahri lam yakun shay-an mathkoora
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَـٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا
Inna khalaqna al-insanamin nutfatin amshajin nabtaleehi fajaAAalnahusameeAAan baseera
Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
إِنَّا هَدَيْنَـٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا
Inna hadaynahu assabeelaimma shakiran wa-imma kafoora
Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَـٰفِرِينَ سَلَـٰسِلَا۟ وَأَغْلَـٰلًا وَسَعِيرًا
Inna aAAtadna lilkafireenasalasila waaghlalan wasaAAeera
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
Inna al-abrara yashraboona min ka/sinkana mizajuha kafoora
kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا
AAaynan yashrabu biha AAibaduAllahi yufajjiroonaha tafjeera
Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًا
Yoofoona binnathri wayakhafoonayawman kana sharruhu mustateera
Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا
WayutAAimona attaAAamaAAala hubbihi miskeenan wayateeman waaseera
Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا
Innama nutAAimukum liwajhi Allahila nureedu minkum jazaan wala shukoora
Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Abaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا
Inna nakhafu min rabbinayawman AAaboosan qamtareera
Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا
Fawaqahumu Allahu sharra thalikaalyawmi walaqqahum nadratan wasuroora
Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةً وَحَرِيرًا
Wajazahum bima sabaroojannatan wahareera
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا
Muttaki-eena feeha AAala al-ara-ikila yarawna feeha shamsan wala zamhareera
Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَـٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا
Wadaniyatan AAalayhim thilaluhawathullilat qutoofuha tathleela
Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠
Wayutafu AAalayhim bi-aniyatinmin fiddatin waakwabin kanat qawareera
Waxaa lala kor socon weelal Fidda ah iyo Koobab Quruurado ah.
قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا
Qawareera min fiddatinqaddarooha taqdeera
Quruuradahaas oo fidda ah si fiicanna u Qiyaasan.
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
Wayusqawna feeha ka/san kanamizajuha zanjabeela
Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا
AAaynan feeha tusammasalsabeela
Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا
Wayatoofu AAalayhim wildanunmukhalladoona itha raaytahum hasibtahum lu/lu-anmanthoora
Waxaana u adeegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا
Wa-itha raayta thamma raaytanaAAeeman wamulkan kabeera
Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
عَـٰلِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ ۖ وَحُلُّوٓا۟ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًا طَهُورًا
AAaliyahum thiyabu sundusinkhudrun wa-istabraqun wahulloo asawira minfiddatin wasaqahum rabbuhum sharaban tahoora
Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fiddo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
إِنَّ هَـٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَآءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا
Inna hatha kana lakum jazaanwakana saAAyukum mashkoora
Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ تَنزِيلًا
Inna nahnu nazzalnaAAalayka alqur-ana tanzeela
Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ ءَاثِمًا أَوْ كَفُورًا
Fasbir lihukmi rabbikawala tutiAA minhum athiman aw kafoora
Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Wathkuri isma rabbikabukratan waaseela
Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَٱسْجُدْ لَهُۥ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا
Wamina allayli fasjud lahu wasabbihhulaylan taweela
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا
Inna haola-i yuhibboonaalAAajilata wayatharoona waraahum yawmanthaqeela
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
نَّحْنُ خَلَقْنَـٰهُمْ وَشَدَدْنَآ أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَآ أَمْثَـٰلَهُمْ تَبْدِيلًا
Nahnu khalaqnahum washadadnaasrahum wa-itha shi/na baddalna amthalahumtabdeela
Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
إِنَّ هَـٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
Inna hathihi tathkiratun famanshaa ittakhatha ila rabbihi sabeela
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
Wama tashaoona illa anyashaa Allahu inna Allaha kanaAAaleeman hakeema
Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ وَٱلظَّـٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًۢا
Yudkhilu man yashao fee rahmatihiwaththalimeena aAAadda lahum AAathabanaleema
Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.