طسٓمٓ
Ta-seen-meem
Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
The Poets
طسٓمٓ
Ta-seen-meem
Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ ٱلْمُبِينِ
Tilka ayatu alkitabialmubeen
Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
لَعَلَّكَ بَـٰخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ
LaAAallaka bakhiAAun nafsaka allayakoonoo mu/mineen
Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتْ أَعْنَـٰقُهُمْ لَهَا خَـٰضِعِينَ
In nasha/ nunazzil AAalayhim mina assama-iayatan fathallat aAAnaquhum lahakhadiAAeen
Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ ٱلرَّحْمَـٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهُ مُعْرِضِينَ
Wama ya/teehim min thikrin minaarrahmani muhdathin illa kanooAAanhu muAArideen
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
فَقَدْ كَذَّبُوا۟ فَسَيَأْتِيهِمْ أَنۢبَـٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Faqad kaththaboo fasaya/teehim anbaoma kanoo bihi yastahzi-oon
Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلْأَرْضِ كَمْ أَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ
Awa lam yaraw ila al-ardi kamanbatna feeha min kulli zawjin kareem
Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئْتِ ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Wa-ith nada rabbukamoosa ani i/ti alqawma aththalimeen
(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
قَوْمَ فِرْعَوْنَ ۚ أَلَا يَتَّقُونَ
Qawma firAAawna ala yattaqoon
Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ
Qala rabbi innee akhafu anyukaththiboon
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
وَيَضِيقُ صَدْرِى وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِى فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَـٰرُونَ
Wayadeequ sadree walayantaliqu lisanee faarsil ila haroon
Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
وَلَهُمْ عَلَىَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ
Walahum AAalayya thanbun faakhafuan yaqtuloon
Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
قَالَ كَلَّا ۖ فَٱذْهَبَا بِـَٔايَـٰتِنَآ ۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ
Qala kalla fathhababi-ayatina inna maAAakum mustamiAAoon
Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Fa/tiya firAAawna faqoola innarasoolu rabbi alAAalameen
ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
An arsil maAAana banee isra-eel
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga.
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ
Qala alam nurabbika feenawaleedan walabithta feena min AAumurika sineen
Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ ٱلَّتِى فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلْكَـٰفِرِينَ
WafaAAalta faAAlataka allatee faAAaltawaanta mina alkafireen
Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
قَالَ فَعَلْتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
Qala faAAaltuha ithanwaana mina addalleen
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِى رَبِّى حُكْمًا وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
Fafarartu minkum lamma khiftukumfawahaba lee rabbee hukman wajaAAalanee mina almursaleen
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَىَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Watilka niAAmatun tamunnuha AAalayyaan AAabbadta banee isra-eel
Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil.
قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Qala firAAawnu wama rabbu alAAalameen
Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
Qala rabbu assamawatiwal-ardi wama baynahuma in kuntummooqineen
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُۥٓ أَلَا تَسْتَمِعُونَ
Qala liman hawlahu alatastamiAAoon
Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ
Qala rabbukum warabbu aba-ikumual-awwaleen
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِىٓ أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ
Qala inna rasoolakumu allatheeorsila ilaykum lamajnoon
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
قَالَ رَبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَآ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ
Qala rabbu almashriqi walmaghribiwama baynahuma in kuntum taAAqiloon
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذْتَ إِلَـٰهًا غَيْرِى لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ ٱلْمَسْجُونِينَ
Qala la-ini ittakhathta ilahanghayree laajAAalannaka mina almasjooneen
Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَىْءٍ مُّبِينٍ
Qala awa law ji/tuka bishay-in mubeen
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
قَالَ فَأْتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Qala fa/ti bihi in kunta mina assadiqeen
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ
Faalqa AAasahu fa-ithahiya thuAAbanun mubeen
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِىَ بَيْضَآءُ لِلنَّـٰظِرِينَ
WanazaAAa yadahu fa-itha hiya baydaolinnathireen
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُۥٓ إِنَّ هَـٰذَا لَسَـٰحِرٌ عَلِيمٌ
Qala lilmala-i hawlahu inna hathalasahirun AAaleem
Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِۦ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ
Yureedu an yukhrijakum min ardikumbisihrihi famatha ta/muroon
Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
قَالُوٓا۟ أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَٱبْعَثْ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ
Qaloo arjih waakhahu wabAAathfee almada-ini hashireen
Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ
Ya/tooka bikulli sahharin AAaleem
Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
FajumiAAa assaharatu limeeqatiyawmin maAAloom
Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ
Waqeela linnasi hal antummujtamiAAoon
Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَـٰلِبِينَ
LaAAallana nattabiAAu assaharatain kanoo humu alghalibeen
Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُوا۟ لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ ٱلْغَـٰلِبِينَ
Falamma jaa assaharatuqaloo lifirAAawna a-inna lana laajran in kunnanahnu alghalibeen
Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
Qala naAAam wa-innakum ithanlamina almuqarrabeen
Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلْقُوا۟ مَآ أَنتُم مُّلْقُونَ
Qala lahum moosa alqoo maantum mulqoon
Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
فَأَلْقَوْا۟ حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا۟ بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ ٱلْغَـٰلِبُونَ
Faalqaw hibalahum waAAisiyyahumwaqaloo biAAizzati firAAawna inna lanahnualghaliboon
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ
Faalqa moosa AAasahufa-itha hiya talqafu ma ya/fikoon
Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سَـٰجِدِينَ
Faolqiya assaharatu sajideen
waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Qaloo amanna birabbialAAalameen
Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَـٰرُونَ
Rabbi moosa waharoon
Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَـٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ
Qala amantum lahu qabla an athanalakum innahu lakabeerukumu allathee AAallamakumu assihrafalasawfa taAAlamoona laoqattiAAanna aydiyakum waarjulakummin khilafin walaosallibannakum ajmaAAeen
Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
قَالُوا۟ لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
Qaloo la dayra innaila rabbina munqaliboon
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَـٰيَـٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Inna natmaAAu an yaghfira lanarabbuna khatayana an kunnaawwala almu/mineen
waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
۞ وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِىٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
Waawhayna ila moosaan asri biAAibadee innakum muttabaAAoon
Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَـٰشِرِينَ
Faarsala firAAawnu fee almada-ini hashireen
Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ
Inna haola-i lashirthimatunqaleeloon
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar.
وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَآئِظُونَ
Wa-innahum lana lagha-ithoon
Wayna Na cadho Galiyeen.
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَـٰذِرُونَ
Wa-inna lajameeAAun hathiroon
Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
فَأَخْرَجْنَـٰهُم مِّن جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
Faakhrajnahum min jannatinwaAAuyoon
Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ
Wakunoozin wamaqamin kareem
Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَـٰهَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Kathalika waawrathnahabanee isra-eel
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil.
فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ
FaatbaAAoohum mushriqeen
Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ
Falamma taraa aljamAAaniqala as-habu moosa innalamudrakoon
Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
قَالَ كَلَّآ ۖ إِنَّ مَعِىَ رَبِّى سَيَهْدِينِ
Qala kalla inna maAAiya rabbeesayahdeen
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
فَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضْرِب بِّعَصَاكَ ٱلْبَحْرَ ۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَٱلطَّوْدِ ٱلْعَظِيمِ
Faawhayna ila moosaani idrib biAAasaka albahra fanfalaqafakana kullu firqin kattawdi alAAatheem
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ ٱلْـَٔاخَرِينَ
Waazlafna thamma al-akhareen
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجْمَعِينَ
Waanjayna moosa waman maAAahuajmaAAeen
Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
Thumma aghraqna al-akhareen
Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
وَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَٰهِيمَ
Watlu AAalayhim nabaa ibraheem
Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا تَعْبُدُونَ
Ith qala li-abeehi waqawmihi mataAAbudoon
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
قَالُوا۟ نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَـٰكِفِينَ
Qaloo naAAbudu asnamanfanathallu laha AAakifeen
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ
Qala hal yasmaAAoonakum ithtadAAoon
Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ
Aw yanfaAAoonakum aw yadurroon
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
قَالُوا۟ بَلْ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ
Qaloo bal wajadna abaanakathalika yafAAaloon
Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
قَالَ أَفَرَءَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
Qala afaraaytum ma kuntumtaAAbudoon
Wuxuu Yidhi Bal ka Warrama waxaad Caabudaysaan.
أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلْأَقْدَمُونَ
Antum waabaokumu al-aqdamoon
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّىٓ إِلَّا رَبَّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Fa-innahum AAaduwwun lee illa rabbaalAAalameen
Iyagu Col Bay ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
ٱلَّذِى خَلَقَنِى فَهُوَ يَهْدِينِ
Allathee khalaqanee fahuwa yahdeen
Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
وَٱلَّذِى هُوَ يُطْعِمُنِى وَيَسْقِينِ
Wallathee huwa yutAAimuneewayasqeen
Kan I Quudin ee I Waraabin.
وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ
Wa-itha maridtu fahuwayashfeen
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
وَٱلَّذِى يُمِيتُنِى ثُمَّ يُحْيِينِ
Wallathee yumeetunee thummayuhyeen
Waana kan I dili Ina Noolayn.
وَٱلَّذِىٓ أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِى خَطِيٓـَٔتِى يَوْمَ ٱلدِّينِ
Wallathee atmaAAu anyaghfira lee khatee-atee yawma addeen
Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
رَبِّ هَبْ لِى حُكْمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّـٰلِحِينَ
Rabbi hab lee hukman waalhiqneebissaliheen
Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
وَٱجْعَل لِّى لِسَانَ صِدْقٍ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ
WajAAal lee lisana sidqinfee al-akhireen
Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
وَٱجْعَلْنِى مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ
WajAAalnee min warathati jannati annaAAeem
Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
وَٱغْفِرْ لِأَبِىٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ
Waghfir li-abee innahu kanamina addalleen
Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
وَلَا تُخْزِنِى يَوْمَ يُبْعَثُونَ
Wala tukhzinee yawma yubAAathoon
Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ
Yawma la yanfaAAu malun walabanoon
Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
إِلَّا مَنْ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
Illa man ata Allahabiqalbin saleem
Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ
Waozlifati aljannatu lilmuttaqeen
Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah).
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ
Waburrizati aljaheemu lilghaween
Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ
Waqeela lahum ayna ma kuntumtaAAbudoon
Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ
Min dooni Allahi hal yansuroonakumaw yantasiroon
Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
فَكُبْكِبُوا۟ فِيهَا هُمْ وَٱلْغَاوُۥنَ
Fakubkiboo feeha hum walghawoon
Waana lagu soo kulmin naarta (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ
Wajunoodu ibleesa ajmaAAoon
Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
قَالُوا۟ وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ
Qaloo wahum feeha yakhtasimoon
Waxayna odhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
Tallahi in kunna lafeedalalin mubeen
Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Ith nusawweekum birabbi alAAalameen
Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلْمُجْرِمُونَ
Wama adallana illaalmujrimoon
Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
فَمَا لَنَا مِن شَـٰفِعِينَ
Fama lana min shafiAAeen
Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ
Wala sadeeqin hameem
Iyo Saaxiib Dhaw.
فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Falaw anna lana karratan fanakoonamina almu/mineen
Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ ٱلْمُرْسَلِينَ
Kaththabat qawmu noohinalmursaleen
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Ith qala lahum akhoohum noohunala tattaqoon
Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Innee lakum rasoolun ameen
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wama as-alukum AAalayhi min ajrin inajriya illa AAala rabbi alAAalameen
Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
۞ قَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلْأَرْذَلُونَ
Qaloo anu/minu laka wattabaAAakaal-arthaloon
Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
قَالَ وَمَا عِلْمِى بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Qala wama AAilmee bimakanoo yaAAmaloon
Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّى ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ
In hisabuhum illa AAalarabbee law tashAAuroon
Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Wama ana bitaridialmu/mineen
Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta.
إِنْ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
In ana illa natheerunmubeen
Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمَرْجُومِينَ
Qaloo la-in lam tantahi yanoohu latakoonanna mina almarjoomeen
Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِى كَذَّبُونِ
Qala rabbi inna qawmee kaththaboon
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
فَٱفْتَحْ بَيْنِى وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِى وَمَن مَّعِىَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Faftah baynee wabaynahum fathanwanajjinee waman maAAiya mina almu/mineen
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, igana kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah.
فَأَنجَيْنَـٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ
Faanjaynahu waman maAAahu feealfulki almashhoon
Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ ٱلْبَاقِينَ
Thumma aghraqna baAAdu albaqeen
Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
كَذَّبَتْ عَادٌ ٱلْمُرْسَلِينَ
Kaththabat AAadun almursaleen
Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Ith qala lahum akhoohumhoodun ala tattaqoon
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Innee lakum rasoolun ameen
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wama as-alukum AAalayhi min ajrin inajriya illa AAala rabbi alAAalameen
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعْبَثُونَ
Atabnoona bikulli reeAAin ayatantaAAbathoon
Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ
Watattakhithoona masaniAAalaAAallakum takhludoon
Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ
Wa-itha batashtum batashtumjabbareen
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِىٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ
Wattaqoo allathee amaddakumbima taAAlamoon
Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
أَمَدَّكُم بِأَنْعَـٰمٍ وَبَنِينَ
Amaddakum bi-anAAamin wabaneen
Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
وَجَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
Wajannatin waAAuyoon
Iyo Beero iyo Ilo.
إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Innee akhafu AAalaykum AAathabayawmin AAatheem
Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
قَالُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ ٱلْوَٰعِظِينَ
Qaloo sawaon AAalaynaawaAAathta am lam takun mina alwaAAitheen
Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
إِنْ هَـٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلْأَوَّلِينَ
In hatha illa khuluqual-awwaleen
Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ
Wama nahnu bimuAAaththabeen
Nalamana Cadaabayo.
فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَـٰهُمْ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Fakaththaboohu faahlaknahuminna fee thalika laayatan wama kanaaktharuhum mu/mineen
Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ ٱلْمُرْسَلِينَ
Kaththabat thamoodu almursaleen
Waxay Beenisay Thamuud Rasuulladii.
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَـٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Ith qala lahum akhoohum salihunala tattaqoon
Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Innee lakum rasoolun ameen
Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wama as-alukum AAalayhi min ajrin inajriya illa AAala rabbi alAAalameen
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
أَتُتْرَكُونَ فِى مَا هَـٰهُنَآ ءَامِنِينَ
Atutrakoona fee ma hahunaamineen
Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
Fee jannatin waAAuyoon
Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ
WazurooAAin wanakhlin talAAuhahadeem
Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
وَتَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا فَـٰرِهِينَ
Watanhitoona mina aljibalibuyootan fariheen
Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
وَلَا تُطِيعُوٓا۟ أَمْرَ ٱلْمُسْرِفِينَ
Wala tuteeAAoo amraalmusrifeen
Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
ٱلَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ
Allatheena yufsidoona fee al-ardiwala yuslihoon
ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ
Qaloo innama anta mina almusahhareen
Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Ma anta illa basharun mithlunafa/ti bi-ayatin in kunta mina assadiqeena
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
قَالَ هَـٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
Qala hathihi naqatunlaha shirbun walakum shirbu yawmin maAAloom
Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinbaad Cabbaysaan la Yaqaan.
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Wala tamassooha bisoo-infaya/khuthakum AAathabu yawmin AAatheem
Ee ha ku Taabanina Xumaan, oo idin qabto Cadaab Maalin wayn.
فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا۟ نَـٰدِمِينَ
FaAAaqarooha faasbahoonadimeen
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Faakhathahumu alAAathabu innafee thalika laayatan wama kanaaktharuhum mu/mineen
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلِينَ
Kaththabat qawmu lootinalmursaleen
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Ith qala lahum akhoohum lootunala tattaqoon
Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Innee lakum rasoolun ameen
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wama as-alukum AAalayhi min ajrin inajriya illa AAala rabbi alAAalameen
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
أَتَأْتُونَ ٱلذُّكْرَانَ مِنَ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Ata/toona aththukranamina alAAalameen
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ
Watatharoona ma khalaqa lakumrabbukum min azwajikum bal antum qawmun AAadoon
Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَـٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُخْرَجِينَ
Qaloo la-in lam tantahi yalootu latakoonanna mina almukhrajeen
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
قَالَ إِنِّى لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلْقَالِينَ
Qala innee liAAamalikum mina alqaleen
Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
رَبِّ نَجِّنِى وَأَهْلِى مِمَّا يَعْمَلُونَ
Rabbi najjinee waahlee mimmayaAAmaloon
Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
فَنَجَّيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ
Fanajjaynahu waahlahu ajmaAAeen
Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَـٰبِرِينَ
Illa AAajoozan fee alghabireen
Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ
Thumma dammarna al-akhareen
Markaasaan Halaagnay Intii kale.
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ
Waamtarna AAalayhim mataranfasaa mataru almunthareen
Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebhaana waa Adkaade Naxariista.
كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ لْـَٔيْكَةِ ٱلْمُرْسَلِينَ
Kaththaba as-habual-aykati almursaleen
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ
Ith qala lahum shuAAaybun alatattaqoon
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
Innee lakum rasoolun ameen
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Fattaqoo Allaha waateeAAoon
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wama as-alukum AAalayhi min ajrin inajriya illa AAala rabbi alAAalameen
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
۞ أَوْفُوا۟ ٱلْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُخْسِرِينَ
Awfoo alkayla wala takoonoo minaalmukhsireen
Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
وَزِنُوا۟ بِٱلْقِسْطَاسِ ٱلْمُسْتَقِيمِ
Wazinoo bilqistasialmustaqeem
Una Miisama Cadaalad Toosan.
وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
Wala tabkhasoo annasaashyaahum wala taAAthaw fee al-ardimufsideen
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ وَٱلْجِبِلَّةَ ٱلْأَوَّلِينَ
Wattaqoo allathee khalaqakumwaljibillata al-awwaleen
Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ
Qaloo innama anta mina almusahhareen
Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ
Wama anta illa basharunmithluna wa-in nathunnuka lamina alkathibeen
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Faasqit AAalayna kisafan minaassama-i in kunta mina assadiqeen
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
قَالَ رَبِّىٓ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ
Qala rabbee aAAlamu bimataAAmaloon
Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ ٱلظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Fakaththaboohu faakhathahumAAathabu yawmi aththullati innahu kanaAAathaba yawmin AAatheem
Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatan wamakana aktharuhum mu/mineen
Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
Wa-inna rabbaka lahuwa alAAazeezu arraheem
Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Wa-innahu latanzeelu rabbi alAAalameen
Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلْأَمِينُ
Nazala bihi arroohu al-ameen
Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ
AAala qalbika litakoona mina almunthireen
Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
بِلِسَانٍ عَرَبِىٍّ مُّبِينٍ
Bilisanin AAarabiyyin mubeen
Af Carabi ahoo Cad.
وَإِنَّهُۥ لَفِى زُبُرِ ٱلْأَوَّلِينَ
Wa-innahu lafee zuburi al-awwaleen
Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ ءَايَةً أَن يَعْلَمَهُۥ عُلَمَـٰٓؤُا۟ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Awa lam yakun lahum ayatan anyaAAlamahu AAulamao banee isra-eel
Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil
وَلَوْ نَزَّلْنَـٰهُ عَلَىٰ بَعْضِ ٱلْأَعْجَمِينَ
Walaw nazzalnahu AAala baAAdial-aAAjameen
Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
فَقَرَأَهُۥ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ مُؤْمِنِينَ
Faqaraahu AAalayhim ma kanoobihi mu/mineen
oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
كَذَٰلِكَ سَلَكْنَـٰهُ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ
Kathalika salaknahu feequloobi almujrimeen
Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
La yu/minoona bihi hattayarawoo alAAathaba al-aleem
Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Faya/tiyahum baghtatan wahum layashAAuroon
Oo ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
فَيَقُولُوا۟ هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ
Fayaqooloo hal nahnu muntharoon
Oy Dhahaan ma nala Sugi.
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ
AfabiAAathabina yastaAAjiloon
Ma Cadaabkanagay Dadajisan.
أَفَرَءَيْتَ إِن مَّتَّعْنَـٰهُمْ سِنِينَ
Afaraayta in mattaAAnahum sineen
Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
Thumma jaahum ma kanooyooAAadoon
Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يُمَتَّعُونَ
Ma aghna AAanhum ma kanooyumattaAAoon
Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
Wama ahlakna min qaryatin illalaha munthiroon
Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَـٰلِمِينَ
Thikra wama kunnathalimeen
Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.
وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ ٱلشَّيَـٰطِينُ
Wama tanazzalat bihi ashshayateen
Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
وَمَا يَنۢبَغِى لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ
Wama yanbaghee lahum wamayastateeAAoon
Kumana Habboona mana Karaan.
إِنَّهُمْ عَنِ ٱلسَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ
Innahum AAani assamAAilamaAAzooloona
Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
فَلَا تَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلْمُعَذَّبِينَ
Fala tadAAu maAAa Allahi ilahanakhara fatakoona mina almuAAaththabeen
Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ ٱلْأَقْرَبِينَ
Waanthir AAasheerataka al-aqrabeen
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Wakhfid janahakalimani ittabaAAaka mina almu/mineen
Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah.
فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ
Fa-in AAasawka faqul innee baree-onmimma taAAmaloon
Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
Watawakkal AAala alAAazeezi arraheem
Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
ٱلَّذِى يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
Allathee yaraka heenataqoom
Ee ku Arka Markaad Kici.
وَتَقَلُّبَكَ فِى ٱلسَّـٰجِدِينَ
Wataqallubaka fee assajideen
Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Innahu huwa assameeAAu alAAaleem
Eebana waa Maqle Og.
هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَـٰطِينُ
Hal onabbi-okum AAala man tanazzaluashshayateen
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ
Tanazzalu AAala kulli affakinatheem
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
يُلْقُونَ ٱلسَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَـٰذِبُونَ
Yulqoona assamAAa waaktharuhum kathiboon
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلْغَاوُۥنَ
WashshuAAaraoyattabiAAuhumu alghawoon
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِى كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ
Alam tara annahum fee kulli wadinyaheemoon
Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ
Waannahum yaqooloona ma layafAAaloon
Oyna Sheegi waxayna Falayn.
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ وَذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ ۗ وَسَيَعْلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَىَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ
Illa allatheena amanoowaAAamiloo assalihati wathakaroo Allahakatheeran wantasaroo min baAAdi ma thulimoowasayaAAlamu allatheena thalamoo ayyamunqalabin yanqaliboon
Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).