طسٓ ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ
Ta-seen tilka ayatualqur-ani wakitabin mubeen
(Xarafka hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad.
The Ant
طسٓ ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ
Ta-seen tilka ayatualqur-ani wakitabin mubeen
(Xarafka hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad.
هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
Hudan wabushra lilmu/mineen
Waana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta.
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
Allatheena yuqeemoona assalatawayu/toona azzakata wahum bil-akhiratihum yooqinoon
Ee ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin.
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَـٰلَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ
Inna allatheena la yu/minoonabil-akhirati zayyanna lahum aAAmalahumfahum yaAAmahoon
Kuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u Qurxinay Camalkooda waana ku Indho la'Yihiin (Wareersanyihiin).
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْعَذَابِ وَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْأَخْسَرُونَ
Ola-ika allatheena lahum soo-oalAAathabi wahum fee al-akhirati humu al-akhsaroon
Kuwaasi waa Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray.
وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلْقُرْءَانَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ
Wa-innaka latulaqqa alqur-anamin ladun hakeemin AAaleem
Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi Quraanka alle Fal San oo Cilmi badan Agtiisa.
إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِۦٓ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا سَـَٔاتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ ءَاتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
Ith qala moosa li-ahlihiinnee anastu naran saateekum minhabikhabarin aw ateekum bishihabin qabasinlaAAallakum tastaloon
Xusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِىَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِى ٱلنَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَـٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Falamma jaaha noodiya anboorika man fee annari waman hawlahawasubhana Allahi rabbi alAAalameen
Markuu Yimid waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeeyey Cidda Dabka la Joogta iyo kuwa Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka.
يَـٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Ya moosa innahu ana AllahualAAazeezu alhakeem
Muusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San.
وَأَلْقِ عَصَاكَ ۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ ۚ يَـٰمُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّى لَا يَخَافُ لَدَىَّ ٱلْمُرْسَلُونَ
Waalqi AAasaka falamma raahatahtazzu kaannaha jannun walla mudbiranwalam yuAAaqqib ya moosa la takhaf innee layakhafu ladayya almursaloon
Ee Tuur Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo Carari, Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda Rasuulladuye.
إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًۢا بَعْدَ سُوٓءٍ فَإِنِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Illa man thalama thummabaddala husnan baAAda soo-in fa-innee ghafoorun raheem
Ciddiise Dulmi Fasha markaas Wanaag ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay Dambi Dhaafe Naxariista.
وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِى جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ ۖ فِى تِسْعِ ءَايَـٰتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِۦٓ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَـٰسِقِينَ
Waadkhil yadaka fee jaybika takhruj baydaamin ghayri soo-in fee tisAAi ayatin ilafirAAawna waqawmihi innahum kanoo qawman fasiqeen
Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna ka mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiina.
فَلَمَّا جَآءَتْهُمْ ءَايَـٰتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا۟ هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Falamma jaat-hum ayatunamubsiratan qaloo hatha sihrun mubeen
Markay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad.
وَجَحَدُوا۟ بِهَا وَٱسْتَيْقَنَتْهَآ أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُفْسِدِينَ
Wajahadoo biha wastayqanat-haanfusuhum thulman waAAuluwwan fanthurkayfa kana AAaqibatu almufsideen
Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha).
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيْمَـٰنَ عِلْمًا ۖ وَقَالَا ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Walaqad atayna dawoodawasulaymana AAilman waqala alhamdulillahi allathee faddalana AAalakatheerin min AAibadihi almu/mineen
Waxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah.
وَوَرِثَ سُلَيْمَـٰنُ دَاوُۥدَ ۖ وَقَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ ٱلطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَىْءٍ ۖ إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْمُبِينُ
Wawaritha sulaymanu dawoodawaqala ya ayyuha annasuAAullimna mantiqa attayri waooteenamin kulli shay-in inna hatha lahuwa alfadlualmubeen
Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad.
وَحُشِرَ لِسُلَيْمَـٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ وَٱلطَّيْرِ فَهُمْ يُوزَعُونَ
Wahushira lisulaymanajunooduhu mina aljinni wal-insi wattayrifahum yoozaAAoon
Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh, iyagoo la habeeyey.
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوْا۟ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمْلُ ٱدْخُلُوا۟ مَسَـٰكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَـٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Hatta itha ataw AAalawadi annamli qalat namlatun ya ayyuhaannamlu odkhuloo masakinakum la yahtimannakumsulaymanu wajunooduhu wahum la yashAAuroon
Markay Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn.
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَـٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَدْخِلْنِى بِرَحْمَتِكَ فِى عِبَادِكَ ٱلصَّـٰلِحِينَ
Fatabassama dahikan min qawlihawaqala rabbi awziAAnee an ashkura niAAmataka allateeanAAamta AAalayya waAAala walidayya waan aAAmala salihantardahu waadkhilnee birahmatika fee AAibadikaassaliheen
Markaasuu Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji inaan ku Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag Aad ka Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda.
وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِىَ لَآ أَرَى ٱلْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ ٱلْغَآئِبِينَ
Watafaqqada attayra faqalama liya la ara alhudhuda am kana minaalgha-ibeen
Wuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay Hud-Hudkii Mise kuwa Maqan buu ka Midyahay.
لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابًا شَدِيدًا أَوْ لَأَا۟ذْبَحَنَّهُۥٓ أَوْ لَيَأْتِيَنِّى بِسُلْطَـٰنٍ مُّبِينٍ
LaoAAaththibannahu AAathabanshadeedan aw laathbahannahu aw laya/tiyannee bisultaninmubeen
Waxaan Cadaabi Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad.
فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍۭ بِنَبَإٍ يَقِينٍ
Famakatha ghayra baAAeedin faqala ahattubima lam tuhit bihi waji/tuka min saba-inbinaba-in yaqeen
Markaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan Ogaanin, waxaana kaaga keenay ReeSaba War Yaqiina.
إِنِّى وَجَدتُّ ٱمْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَىْءٍ وَلَهَا عَرْشٌ عَظِيمٌ
Innee wajadtu imraatan tamlikuhum waootiyatmin kulli shay-in walaha AAarshun AAatheem
Waxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn.
وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ
Wajadtuha waqawmaha yasjudoonalishshamsi min dooni Allahi wazayyana lahumu ashshaytanuaAAmalahum fasaddahum AAani assabeeli fahumla yahtadoon
Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.
أَلَّا يَسْجُدُوا۟ لِلَّهِ ٱلَّذِى يُخْرِجُ ٱلْخَبْءَ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ
Alla yasjudoo lillahi allatheeyukhriju alkhabaa fee assamawati wal-ardiwayaAAlamu ma tukhfoona wama tuAAlinoon
May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.
ٱللَّهُ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ ۩
Allahu la ilaha illahuwa rabbu alAAarshi alAAatheem
Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha Carshiga Wayn.
۞ قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ ٱلْكَـٰذِبِينَ
Qala sananthuru asadaqtaam kunta mina alkathibeen
Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha.
ٱذْهَب بِّكِتَـٰبِى هَـٰذَا فَأَلْقِهْ إِلَيْهِمْ ثُمَّ تَوَلَّ عَنْهُمْ فَٱنظُرْ مَاذَا يَرْجِعُونَ
Ithhab bikitabee hathafaalqih ilayhim thumma tawalla AAanhum fanthurmatha yarjiAAoon
La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri waxay soo Celiyaan.
قَالَتْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ إِنِّىٓ أُلْقِىَ إِلَىَّ كِتَـٰبٌ كَرِيمٌ
Qalat ya ayyuha almalaoinnee olqiya ilayya kitabun kareem
Waxayna Tidhi Madaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh.
إِنَّهُۥ مِن سُلَيْمَـٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Innahu min sulaymana wa-innahu bismiAllahi arrahmani arraheem
(Kuna Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista.
أَلَّا تَعْلُوا۟ عَلَىَّ وَأْتُونِى مُسْلِمِينَ
Alla taAAloo AAalayya wa/tooneemuslimeen
Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.
قَالَتْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَفْتُونِى فِىٓ أَمْرِى مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ
Qalat ya ayyuha almalaoaftoonee fee amree ma kuntu qatiAAatan amran hattatashhadoon
Waxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan.
قَالُوا۟ نَحْنُ أُو۟لُوا۟ قُوَّةٍ وَأُو۟لُوا۟ بَأْسٍ شَدِيدٍ وَٱلْأَمْرُ إِلَيْكِ فَٱنظُرِى مَاذَا تَأْمُرِينَ
Qaloo nahnu oloo quwwatinwaoloo ba/sin shadeedin wal-amru ilayki fanthureematha ta/mureen
Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan, amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari.
قَالَتْ إِنَّ ٱلْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا۟ قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوٓا۟ أَعِزَّةَ أَهْلِهَآ أَذِلَّةً ۖ وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ
Qalat inna almulooka ithadakhaloo qaryatan afsadooha wajaAAaloo aAAizzata ahlihaathillatan wakathalika yafAAaloon
Waxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwo Dullaysan Saasayna Falaan.
وَإِنِّى مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌۢ بِمَ يَرْجِعُ ٱلْمُرْسَلُونَ
Wa-innee mursilatun ilayhim bihadiyyatin fanathiratunbima yarjiAAu almursaloon
Waxaanse u Diri Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray.
فَلَمَّا جَآءَ سُلَيْمَـٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيْرٌ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ
Falamma jaa sulaymana qalaatumiddoonani bimalin fama ataniyaAllahu khayrun mimma atakum bal antumbihadiyyatikum tafrahoon
Markay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey, Idinkaase ku Farxi Hadyadiina.
ٱرْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَآ أَذِلَّةً وَهُمْ صَـٰغِرُونَ
IrjiAA ilayhim falana/tiyannahum bijunoodinla qibala lahum biha walanukhrijannahum minhaathillatan wahum saghiroon
Ee U celi Waxaana ula Imaanaynaa Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka Bixinaynaa Magaalada Iyagoo Dullaysan oo Ihaanaysan.
قَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَيُّكُمْ يَأْتِينِى بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن يَأْتُونِى مُسْلِمِينَ
Qala ya ayyuha almalaoayyukum ya/teenee biAAarshiha qabla an ya/toonee muslimeen
Wuxuuna Yidhi Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda Iyagoo Muslim ah.
قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ ۖ وَإِنِّى عَلَيْهِ لَقَوِىٌّ أَمِينٌ
Qala AAifreetun mina aljinni anaateeka bihi qabla an taqooma min maqamika wa-inneAAalayhi laqawiyyun ameen
Wuxuuna yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin Fadhigaada, waxaana ahay Xoog badane Aamina.
قَالَ ٱلَّذِى عِندَهُۥ عِلْمٌ مِّنَ ٱلْكِتَـٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ ۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَـٰذَا مِن فَضْلِ رَبِّى لِيَبْلُوَنِىٓ ءَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ ۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّى غَنِىٌّ كَرِيمٌ
Qala allathee AAindahu AAilmunmina alkitabi ana ateeka bihi qabla anyartadda ilayka tarfuka falamma raahumustaqirran AAindahu qala hatha min fadlirabbee liyabluwanee aashkuru am akfuru waman shakara fa-innamayashkuru linafsihi waman kafara fa-inna rabbee ghaniyyun kareem
Wuxuuse yidhi kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada Laabideeda horteed (Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu Yidhi Kani waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka Gaaloobo, Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey Naftiisa Ciddii Gaalowdana Eebahay waa ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay.
قَالَ نَكِّرُوا۟ لَهَا عَرْشَهَا نَنظُرْ أَتَهْتَدِىٓ أَمْ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهْتَدُونَ
Qala nakkiroo laha AAarshahananthur atahtadee am takoonu mina allatheenala yahtadoon
Wuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn.
فَلَمَّا جَآءَتْ قِيلَ أَهَـٰكَذَا عَرْشُكِ ۖ قَالَتْ كَأَنَّهُۥ هُوَ ۚ وَأُوتِينَا ٱلْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ
Falamma jaat qeela ahakathaAAarshuki qalat kaannahu huwa waooteena alAAilmamin qabliha wakunna muslimeen
Markay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin.
وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعْبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِ ۖ إِنَّهَا كَانَتْ مِن قَوْمٍ كَـٰفِرِينَ
Wasaddaha ma kanattaAAbudu min dooni Allahi innaha kanat minqawmin kafireen
Waxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay Caabudaysay oo Eebe ka soo Hadhay, waxayna ka mid ahayd Qoom Gaala ah.
قِيلَ لَهَا ٱدْخُلِى ٱلصَّرْحَ ۖ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا ۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ ۗ قَالَتْ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَـٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Qeela laha odkhulee assarhafalamma raat-hu hasibat-hu lujjatan wakashafat AAansaqayha qala innahu sarhunmumarradun min qawareera qalat rabbi innee thalamtunafsee waaslamtu maAAa sulaymana lillahi rabbi alAAalameen
Waxaa lagu Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U Malaysay Mawjad (Biya ah) waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa Daar Salaax Sugan oo Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey Naftayda, waxaana u Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha Caalamka ah.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَـٰلِحًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمْ فَرِيقَانِ يَخْتَصِمُونَ
Walaqad arsalna ila thamoodaakhahum salihan ani oAAbudoo Allahafa-itha hum fareeqani yakhtasimoon
Waxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi.
قَالَ يَـٰقَوْمِ لِمَ تَسْتَعْجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ ۖ لَوْلَا تَسْتَغْفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Qala ya qawmi limatastaAAjiloona bissayyi-ati qabla alhasanati lawlatastaghfiroona Allaha laAAallakum turhamoon
Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto.
قَالُوا۟ ٱطَّيَّرْنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَ ۚ قَالَ طَـٰٓئِرُكُمْ عِندَ ٱللَّهِ ۖ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تُفْتَنُونَ
Qaloo ittayyarna bikawabiman maAAaka qala ta-irukum AAinda Allahibal antum qawmun tuftanoon
Waxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey.
وَكَانَ فِى ٱلْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ
Wakana fee almadeenati tisAAatu rahtinyufsidoona fee al-ardi wala yuslihoon
Waxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna.
قَالُوا۟ تَقَاسَمُوا۟ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهْلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدْنَا مَهْلِكَ أَهْلِهِۦ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ
Qaloo taqasamoo billahilanubayyitannahu waahlahu thumma lanaqoolanna liwaliyyihi mashahidna mahlika ahlihi wa-inna lasadiqoon
Waxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan ku Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeshu ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa Run.
وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا وَمَكَرْنَا مَكْرًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Wamakaroo makran wamakarna makranwahum la yashAAuroon
Way Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn.
فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ مَكْرِهِمْ أَنَّا دَمَّرْنَـٰهُمْ وَقَوْمَهُمْ أَجْمَعِينَ
Fanthur kayfa kanaAAaqibatu makrihim anna dammarnahumwaqawmahum ajmaAAeen
ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba Dhammaan.
فَتِلْكَ بُيُوتُهُمْ خَاوِيَةًۢ بِمَا ظَلَمُوٓا۟ ۗ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Fatilka buyootuhum khawiyatan bimathalamoo inna fee thalika laayatanliqawmin yaAAlamoon
Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan.
وَأَنجَيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ
Waanjayna allatheena amanoowakanoo yattaqoon
Waxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey.
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَتَأْتُونَ ٱلْفَـٰحِشَةَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ
Walootan ith qalaliqawmihi ata/toona alfahishata waantum tubsiroon
(Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko.
أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تَجْهَلُونَ
A-innakum lata/toona arrijalashahwatan min dooni annisa-i bal antum qawmuntajhaloon
Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina.
۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓا۟ أَخْرِجُوٓا۟ ءَالَ لُوطٍ مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
Fama kana jawabaqawmihi illa an qaloo akhrijoo ala lootinmin qaryatikum innahum onasun yatatahharoon
Mana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad Isdaahirine.
فَأَنجَيْنَـٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَـٰهَا مِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ
Faanjaynahu waahlahu illaimraatahu qaddarnaha mina alghabireen
Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami.
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ
Waamtarna AAalayhim mataranfasaa mataru almunthareen
Waxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka kuwa Loo Digay.
قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَـٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصْطَفَىٰٓ ۗ ءَآللَّهُ خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ
Quli alhamdu lillahi wasalamunAAala AAibadihi allatheena istafaallahu khayrun amma yushrikoon
Waxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
أَمَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنۢبِتُوا۟ شَجَرَهَآ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ
Amman khalaqa assamawatiwal-arda waanzala lakum mina assama-imaan faanbatna bihi hada-iqa thatabahjatin ma kana lakum an tunbitoo shajarahaa-ilahun maAAa Allahi bal hum qawmun yaAAdiloon
Ma Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan.
أَمَّن جَعَلَ ٱلْأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَـٰلَهَآ أَنْهَـٰرًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِىَ وَجَعَلَ بَيْنَ ٱلْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Amman jaAAala al-arda qararanwajaAAala khilalaha anharan wajaAAala laharawasiya wajaAAala bayna albahrayni hajizana-ilahun maAAa Allahi bal aktharuhum layaAAlamoon
Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Badankooduse wax ma Oga.
أَمَّن يُجِيبُ ٱلْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَآءَ ٱلْأَرْضِ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
Amman yujeebu almudtarra ithadaAAahu wayakshifu assoo-a wayajAAalukum khulafaaal-ardi a-ilahun maAAa Allahi qaleelan matathakkaroon
Mise Eebaha Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.
أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِى ظُلُمَـٰتِ ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ ٱلرِّيَـٰحَ بُشْرًۢا بَيْنَ يَدَىْ رَحْمَتِهِۦٓ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ تَعَـٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Amman yahdeekum fee thulumatialbarri walbahri waman yursilu arriyahabushran bayna yaday rahmatihi a-ilahun maAAa AllahitaAAala Allahu AAamma yushrikoon
Mise Eebaha idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista Eebe (Roobka) hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
أَمَّن يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۗ أَءِلَـٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ ۚ قُلْ هَاتُوا۟ بُرْهَـٰنَكُمْ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
Amman yabdao alkhalqa thumma yuAAeeduhuwaman yarzuqukum mina assama-i wal-ardia-ilahun maAAa Allahi qul hatoo burhanakumin kuntum sadiqeen
Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan.
قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ٱلْغَيْبَ إِلَّا ٱللَّهُ ۚ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ
Qul la yaAAlamu man fee assamawatiwal-ardi alghayba illa Allahu wamayashAAuroona ayyana yubAAathoon
Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin.
بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلْمُهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّنْهَا ۖ بَلْ هُم مِّنْهَا عَمُونَ
Bali iddaraka AAilmuhum fee al-akhiratibal hum fee shakkin minha bal hum minha AAamoon
Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخْرَجُونَ
Waqala allatheena kafaroo a-ithakunna turaban waabaona a-innalamukhrajoon
Waxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo Bixin.
لَقَدْ وُعِدْنَا هَـٰذَا نَحْنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبْلُ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Laqad wuAAidna hatha nahnuwaabaona min qablu in hatha illaasateeru al-awwaleen
Waa Naloo Yaboohay Kan (soo Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn.
قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَـٰقِبَةُ ٱلْمُجْرِمِينَ
Qul seeroo fee al-ardi fanthurookayfa kana AAaqibatu almujrimeen
Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُن فِى ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ
Wala tahzan AAalayhim walatakun fee dayqin mimma yamkuroon
Hana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
Wayaqooloona mata hathaalwaAAdu in kuntum sadiqeen
Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan.
قُلْ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعْضُ ٱلَّذِى تَسْتَعْجِلُونَ
Qul AAasa an yakoona radifa lakumbaAAdu allathee tastaAAjiloon
Waxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ
Wa-inna rabbaka lathoo fadlinAAala annasi walakinna aktharahum layashkuroon
Eebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ
Wa-inna rabbaka layaAAlamu ma tukinnusudooruhum wama yuAAlinoon
Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muujin.
وَمَا مِنْ غَآئِبَةٍ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِلَّا فِى كِتَـٰبٍ مُّبِينٍ
Wama min gha-ibatin fee assama-iwal-ardi illa fee kitabin mubeen
Waxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
إِنَّ هَـٰذَا ٱلْقُرْءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَكْثَرَ ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Inna hatha alqur-ana yaqussuAAala banee isra-eela akthara allathee humfeehi yakhtalifoon
Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku Khilaafeen.
وَإِنَّهُۥ لَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ
Wa-innahu lahudan warahmatunlilmu/mineen
Quraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta.
إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُم بِحُكْمِهِۦ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ
Inna rabbaka yaqdee baynahum bihukmihiwahuwa alAAazeezu alAAaleem
Eebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og.
فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلْحَقِّ ٱلْمُبِينِ
Fatawakkal AAala Allahi innakaAAala alhaqqi almubeen
ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade.
إِنَّكَ لَا تُسْمِعُ ٱلْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوْا۟ مُدْبِرِينَ
Innaka la tusmiAAu almawta walatusmiAAu assumma adduAAaa ithawallaw mudbireen
Adugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay Jeedsadaan iyagoo sii Socda.
وَمَآ أَنتَ بِهَـٰدِى ٱلْعُمْىِ عَن ضَلَـٰلَتِهِمْ ۖ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِـَٔايَـٰتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ
Wama anta bihadee alAAumyiAAan dalalatihim in tusmiAAu illa manyu/minu bi-ayatina fahum muslimoon
Mana Tihid mid ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey Aayaadkanaga oo Muslima mooyee.
۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِمْ أَخْرَجْنَا لَهُمْ دَآبَّةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ تُكَلِّمُهُمْ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُوا۟ بِـَٔايَـٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ
Wa-itha waqaAAa alqawlu AAalayhimakhrajna lahum dabbatan mina al-arditukallimuhum anna annasa kanoo bi-ayatinala yooqinoon
Markuu ku Dhaco Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii) waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga.
وَيَوْمَ نَحْشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ فَوْجًا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَـٰتِنَا فَهُمْ يُوزَعُونَ
Wayawma nahshuru min kulli ommatinfawjan mimman yukaththibu bi-ayatinafahum yoozaAAoon
Xusuuso Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi.
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبْتُم بِـَٔايَـٰتِى وَلَمْ تُحِيطُوا۟ بِهَا عِلْمًا أَمَّاذَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Hatta itha jaooqala akaththabtum bi-ayatee walam tuheetoobiha AAilman ammatha kuntum taAAmaloon
Markay Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen.
وَوَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِم بِمَا ظَلَمُوا۟ فَهُمْ لَا يَنطِقُونَ
WawaqaAAa alqawlu AAalayhim bima thalamoofahum la yantiqoon
Waxaa ku Dhacey Qawlkii (Ciqaabtii) Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan.
أَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا جَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِيَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبْصِرًا ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Alam yaraw anna jaAAalnaallayla liyaskunoo feehi wannahara mubsiraninna fee thalika laayatin liqawmin yu/minoon
Miyeyna Arkayn inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa).
وَيَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُ ۚ وَكُلٌّ أَتَوْهُ دَٰخِرِينَ
Wayawma yunfakhu fee assoorifafaziAAa man fee assamawati waman feeal-ardi illa man shaa Allahu wakullunatawhu dakhireen
Xusuuso Maalinta la Afuufi Suurka oo Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan.
وَتَرَى ٱلْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِىَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِ ۚ صُنْعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِىٓ أَتْقَنَ كُلَّ شَىْءٍ ۚ إِنَّهُۥ خَبِيرٌۢ بِمَا تَفْعَلُونَ
Watara aljibala tahsabuhajamidatan wahiya tamurru marra assahabi sunAAaAllahi allathee atqana kulla shay-in innahukhabeerun bima tafAAaloon
Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha waxaad Falayasaaan.
مَن جَآءَ بِٱلْحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيْرٌ مِّنْهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوْمَئِذٍ ءَامِنُونَ
Man jaa bilhasanatifalahu khayrun minha wahum min fazaAAin yawma-ithinaminoon
Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argagaxa Maalintaasna Iyagu way Aamin Noqon.
وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِى ٱلنَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Waman jaa bissayyi-atifakubbat wujoohuhum fee annari hal tujzawna illama kuntum taAAmaloon
Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَـٰذِهِ ٱلْبَلْدَةِ ٱلَّذِى حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَىْءٍ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Innama omirtu an aAAbuda rabba hathihialbaldati allathee harramaha walahu kullushay-in waomirtu an akoona mina almuslimeen
Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta.
وَأَنْ أَتْلُوَا۟ ٱلْقُرْءَانَ ۖ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِى لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ
Waan atluwa alqur-ana famani ihtadafa-innama yahtadee linafsihi waman dalla faqulinnama ana mina almunthireen
iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa Diga.
وَقُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ فَتَعْرِفُونَهَا ۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
Waquli alhamdu lillahisayureekum ayatihi fataAArifoonaha wamarabbuka bighafilin AAamma taAAmaloon
Waxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid Halmaansan waxaad Falaysaan.