وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا
WannaziAAati gharqa
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
Those who drag forth
وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا
WannaziAAati gharqa
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًا
Wannashitati nashta
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًا
Wassabihati sabha
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًا
Fassabiqati sabqa
Iyo tan u orotanta wanaagga.
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
Falmudabbirati amra
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Yawma tarjufu arrajifa
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
TatbaAAuha arradifa
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
Quloobun yawma-ithin wajifa
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌ
Absaruha khashiAAa
Araggeeduna wuu dullaysnaan.
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Yaqooloona a-inna lamardoodoona feealhafira
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًا نَّخِرَةً
A-itha kunna AAithamannakhira
Markaan noqonno Lafo duugoobay.
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
Qaloo tilka ithan karratun khasira
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
Fa-innama hiya zajratun wahida
Waa uun Hal Qaylo kaliya.
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Fa-itha hum bissahira
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Hal ataka hadeethu moosa
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Ith nadahu rabbuhu bilwadialmuqaddasi tuwa
Markii Eebe uga yeedhay Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Ithhab ila firAAawna innahu tagha
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Faqul hal laka ila an tazakka
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Waahdiyaka ila rabbika fatakhsha
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Faarahu al-ayata alkubra
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Fakaththaba waAAasa
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
Thumma adbara yasAAa
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Fahashara fanada
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
Faqala ana rabbukumu al-aAAla
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
Faakhathahu Allahu nakalaal-akhirati wal-oola
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
Inna fee thalika laAAibratan limanyakhsha
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
Aantum ashaddu khalqan ami assamaobanaha
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
RafaAAa samkaha fasawwaha
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
Waaghtasha laylaha waakhraja duhaha
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Wal-arda baAAda thalikadahaha
Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
Akhraja minha maahawamarAAaha
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
Waljibala arsaha
Buurahana sugay.
مَتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
MataAAan lakum wali-anAAamikum
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
Fa-itha jaati attammatualkubra
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ
Yawma yatathakkaru al-insanu masaAAa
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Waburrizati aljaheemu liman yara
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Faamma man tagha
Ruuxiise xadgudba.
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Waathara alhayata addunya
Nolosha Adduunyana doorta.
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Fa-inna aljaheema hiya alma/wa
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
Waama man khafa maqamarabbihi wanaha annafsa AAani alhawa
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Fa-inna aljannata hiya alma/wa
Wuxuu u dheelman Janno.
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
Yas-aloonaka AAani assaAAatiayyana mursaha
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
Feema anta min thikraha
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Ila rabbika muntahaha
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
Innama anta munthiru manyakhshaha
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
Kaannahum yawma yarawnaha lamyalbathoo illa AAashiyyatan aw duhaha
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) iyagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).