سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
Saala sa-ilun biAAathabin waqiAA
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
The Ascending Stairways
سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ
Saala sa-ilun biAAathabin waqiAA
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
لِّلْكَـٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ
Lilkafireena laysa lahu dafiAA
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ
Mina Allahi thee almaAAarij
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
تَعْرُجُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ
TaAAruju almala-ikatu warroohuilayhi fee yawmin kana miqdaruhu khamseena alfasana
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا
Fasbir sabran jameela
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا
Innahum yarawnahu baAAeeda
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا
Wanarahu qareeba
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay.
يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ
Yawma takoonu assamao kalmuhl
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ
Watakoonu aljibalu kalAAihn
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا
Wala yas-alu hameemun hameema
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ
Yubassaroonahum yawaddu almujrimu lawyaftadee min AAathabi yawmi-ithin bibaneeh
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
وَصَـٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
Wasahibatihi waakheeh
Haweenaydiisa, Walaalkiis.
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ
Wafaseelatihi allatee tu/weeh
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ
Waman fee al-ardi jameeAAan thummayunjeeh
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
Kalla innaha latha
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ
NazzaAAatan lishshawa
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
TadAAoo man adbara watawalla
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ
WajamaAAa faawAAa
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
۞ إِنَّ ٱلْإِنسَـٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
Inna al-insana khuliqa halooAAa
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا
Itha massahu ashsharrujazooAAa
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا
Wa-itha massahu alkhayru manooAAa
Hadduu khayr helana wuu reebaa.
إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ
Illa almusalleen
Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ
Allatheena hum AAala salatihimda-imoon
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ
Wallatheena fee amwalihimhaqqun maAAloom
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
Lissa-ili walmahroom
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Wallatheena yusaddiqoonabiyawmi addeen
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ
Wallatheena hum min AAathabirabbihim mushfiqoon
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ
Inna AAathaba rabbihim ghayru ma/moon
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَـٰفِظُونَ
Wallatheena hum lifuroojihim hafithoon
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
Illa AAala azwajihim awma malakat aymanuhum fa-innahum ghayru maloomeen
Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ
Famani ibtagha waraa thalikafaola-ika humu alAAadoon
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَـٰنَـٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ
Wallatheena hum li-amanatihimwaAAahdihim raAAoon
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَـٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ
Wallatheena hum bishahadatihimqa-imoon
Kuwa maraggooda si fiican u furay.
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
Wallatheena hum AAala salatihimyuhafithoon
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى جَنَّـٰتٍ مُّكْرَمُونَ
Ola-ika fee jannatin mukramoon
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ
Famali allatheena kafarooqibalaka muhtiAAeen
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ
AAani alyameeni waAAani ashshimaliAAizeen
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ
AyatmaAAu kullu imri-in minhum anyudkhala jannata naAAeem
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah In la geliyo Jannatu Naciima.
كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَـٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ
Kalla inna khalaqnahummimma yaAAlamoon
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَـٰرِقِ وَٱلْمَغَـٰرِبِ إِنَّا لَقَـٰدِرُونَ
Fala oqsimu birabbi almashariqiwalmagharibi inna laqadiroon
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
AAala an nubaddila khayran minhum wamanahnu bimasbooqeen
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَـٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
Fatharhum yakhoodoowayalAAaboo hatta yulaqoo yawmahumu allatheeyooAAadoon
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ
Yawma yakhrujoona mina al-ajdathi siraAAankaannahum ila nusubin yoofidoon
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
خَـٰشِعَةً أَبْصَـٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
KhashiAAatan absaruhumtarhaquhum thillatun thalika alyawmu allatheekanoo yooAAadoon
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).