ٱلْحَآقَّةُ
Alhaqqa
Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
The Reality
ٱلْحَآقَّةُ
Alhaqqa
Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
مَا ٱلْحَآقَّةُ
Ma alhaqqa
Xaaqo maxay tahay.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ
Wama adraka ma alhaqqa
inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ
Kaththabat thamoodu waAAadun bilqariAAa
Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ
Faamma thamoodu faohlikoo bittaghiya
Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ
Waamma AAadun faohlikoo bireehinsarsarin AAatiya
Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَـٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ
Sakhkharaha AAalayhim sabAAa layalinwathamaniyata ayyamin husooman fataraalqawma feeha sarAAa kaannahum aAAjazunakhlin khawiya
o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ
Fahal tara lahum min baqiya
wax ka hadhay miyaad aragtaa.
وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَـٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ
Wajaa firAAawnu waman qablahu walmu/tafikatubilkhati-a
Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً
FaAAasaw rasoola rabbihim faakhathahumakhthatan rabiya
Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَـٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ
Inna lamma taghaalmao hamalnakum fee aljariya
Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ
LinajAAalaha lakum tathkiratanwataAAiyaha othunun waAAiya
si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ
Fa-itha nufikha fee assoorinafkhatun wahida
Marka Suurka la afuufo hal mar.
وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً
Wahumilati al-ardu waljibalufadukkata dakkatan wahida
Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Fayawma-ithin waqaAAati alwaqiAAa
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ
Wanshaqqati assamaofahiya yawma-ithin wahiya
Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَـٰنِيَةٌ
Walmalaku AAala arja-ihawayahmilu AAarsha rabbika fawqahum yawma-ithin thamaniya
Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ
Yawma-ithin tuAAradoona latakhfa minkum khafiya
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَـٰبِيَهْ
Faamma man ootiya kitabahubiyameenihi fayaqoolu haomu iqraoo kitabiyah
Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَـٰقٍ حِسَابِيَهْ
Innee thanantu annee mulaqinhisabiyah
Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ
Fahuwa fee AAeeshatin radiya
wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
Fee jannatin AAaliya
Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ
Qutoofuha daniya
Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ
Kuloo washraboo hanee-an bimaaslaftum fee al-ayyami alkhaliya
Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَـٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَـٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَـٰبِيَهْ
Waamma man ootiya kitabahubishimalihi fayaqoolu ya laytanee lam oota kitabiyah
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.
وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ
Walam adri ma hisabiyah
Xisaabtaydana maanan ogaanin.
يَـٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ
Ya laytaha kanati alqadiya
Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.
مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ ۜ
Ma aghna AAannee maliyah
Xoolahaygi wax iima tarin.
هَلَكَ عَنِّى سُلْطَـٰنِيَهْ
Halaka AAannee sultaniyah
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
Khuthoohu faghullooh
Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ
Thumma aljaheema sallooh
Naarta Jahannamada geliya.
ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَٱسْلُكُوهُ
Thumma fee silsilatin tharAAuhasabAAoona thiraAAan faslukooh
Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ
Innahu kana la yu/minu billahialAAatheem
maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Wala yahuddu AAalataAAami almiskeen
aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَـٰهُنَا حَمِيمٌ
Falaysa lahu alyawma hahuna hameem
Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ
Wala taAAamun illamin ghisleen
Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَـٰطِـُٔونَ
La ya/kuluhu illa alkhati-oon
Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ
Fala oqsimu bima tubsiroon
Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
وَمَا لَا تُبْصِرُونَ
Wama la tubsiroon
iyo waxaydaan arkayninba.
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ
Innahu laqawlu rasoolin kareem
ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ
Wama huwa biqawli shaAAirinqaleelan ma tu/minoon
Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
Wala biqawli kahinin qaleelanma tathakkaroon
Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Tanzeelun min rabbi alAAalameen
(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ
Walaw taqawwala AAalayna baAAdaal-aqaweel
Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ
Laakhathna minhu bilyameen
Waxaanu ku qaban gacan adag.
ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ
Thumma laqataAAna minhualwateen
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَـٰجِزِينَ
Fama minkum min ahadin AAanhu hajizeen
Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ
Wa-innahu latathkiratun lilmuttaqeen
Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
Wa-inna lanaAAlamu anna minkum mukaththibeen
Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).
وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ
Wa-innahu lahasratun AAala alkafireen
Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ
Wa-innahu lahaqqu alyaqeen
Qur'aanka waa run dhab ah.
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
Fasabbih bismi rabbika alAAatheem
Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.