سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Sabbihi isma rabbika al-aAAla
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
The Most High
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
Sabbihi isma rabbika al-aAAla
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Allathee khalaqa fasawwa
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Wallathee qaddara fahada
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ
Wallathee akhraja almarAAa
Eebaha soo bixiya Daaqa.
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ
FajaAAalahu ghuthaan ahwa
Kana dhiga markaas ka dib caws Engagagan oo Madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Sanuqri-oka fala tansa
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ
Illa ma shaa Allahuinnahu yaAAlamu aljahra wama yakhfa
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ
Wanuyassiruka lilyusra
Waxaana kuu fududaynaynaa Waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ
Fathakkir in nafaAAati aththikra
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ
Sayaththakkaru man yakhsha
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى
Wayatajannabuha al-ashqa
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ
Allathee yasla annaraalkubra
Ee ah mid gali Naar wayn.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
Thumma la yamootu feeha walayahya
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Qad aflaha man tazakka
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
Wathakara isma rabbihi fasalla
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Bal tu/thiroona alhayata addunya
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ
Wal-akhiratu khayrun waabqa
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
إِنَّ هَـٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
Inna hatha lafee assuhufial-oola
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Suhufi ibraheema wamoosa
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.