يسٓ
Ya-seen
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
Ya Sin
يسٓ
Ya-seen
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْحَكِيمِ
Walqur-ani alhakeem
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ
Innaka lamina almursaleen
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).
عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
AAala siratin mustaqeem
Jid toosanna waad ku sugan tahay.
تَنزِيلَ ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
Tanzeela alAAazeezi arraheem
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمْ فَهُمْ غَـٰفِلُونَ
Litunthira qawman ma onthiraabaohum fahum ghafiloon
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.
لَقَدْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَىٰٓ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Laqad haqqa alqawlu AAalaaktharihim fahum la yu/minoon
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
إِنَّا جَعَلْنَا فِىٓ أَعْنَـٰقِهِمْ أَغْلَـٰلًا فَهِىَ إِلَى ٱلْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ
Inna jaAAalna fee aAAnaqihimaghlalan fahiya ila al-athqani fahummuqmahoon
Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).
وَجَعَلْنَا مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَـٰهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ
WajaAAalna min bayni aydeehim saddanwamin khalfihim saddan faaghshaynahum fahum la yubsiroon
Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan.
وَسَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Wasawaon AAalayhim aanthartahumam lam tunthirhum la yu/minoon
waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan.
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكْرَ وَخَشِىَ ٱلرَّحْمَـٰنَ بِٱلْغَيْبِ ۖ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ
Innama tunthiru mani ittabaAAaaththikra wakhashiya arrahmanabilghaybi fabashshirhu bimaghfiratin waajrin kareem
Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan.
إِنَّا نَحْنُ نُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا۟ وَءَاثَـٰرَهُمْ ۚ وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَـٰهُ فِىٓ إِمَامٍ مُّبِينٍ
Inna nahnu nuhyeealmawta wanaktubu ma qaddamoo waatharahumwakulla shay-in ahsaynahu fee imamin mubeen
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.
وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَـٰبَ ٱلْقَرْيَةِ إِذْ جَآءَهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
Wadrib lahum mathalan as-habaalqaryati ith jaaha almursaloon
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray).
إِذْ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمُ ٱثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوٓا۟ إِنَّآ إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ
Ith arsalna ilayhimu ithnaynifakaththaboohuma faAAazzazna bithalithinfaqaloo inna ilaykum mursaloon
Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
قَالُوا۟ مَآ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحْمَـٰنُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ
Qaloo ma antum illabasharun mithluna wama anzala arrahmanumin shay-in in antum illa takthiboon
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan.
قَالُوا۟ رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّآ إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ
Qaloo rabbuna yaAAlamu innailaykum lamursaloon
waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray.
وَمَا عَلَيْنَآ إِلَّا ٱلْبَلَـٰغُ ٱلْمُبِينُ
Wama AAalayna illaalbalaghu almubeen
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
قَالُوٓا۟ إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا۟ لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Qaloo inna tatayyarnabikum la-in lam tantahoo lanarjumannakum walayamassannakum minnaAAathabun aleem
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran.
قَالُوا۟ طَـٰٓئِرُكُم مَّعَكُمْ ۚ أَئِن ذُكِّرْتُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ
Qaloo ta-irukum maAAakum a-in thukkirtumbal antum qawmun musrifoon
Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay,
وَجَآءَ مِنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَـٰقَوْمِ ٱتَّبِعُوا۟ ٱلْمُرْسَلِينَ
Wajaa min aqsa almadeenatirajulun yasAAa qala ya qawmi ittabiAAooalmursaleen
Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.
ٱتَّبِعُوا۟ مَن لَّا يَسْـَٔلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ
IttabiAAoo man la yas-alukum ajranwahum muhtadoon
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.
وَمَا لِىَ لَآ أَعْبُدُ ٱلَّذِى فَطَرَنِى وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Wama liya la aAAbudu allatheefataranee wa-ilayhi turjaAAoon
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin.
ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدْنِ ٱلرَّحْمَـٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّى شَفَـٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا يُنقِذُونِ
Aattakhithu min doonihi alihatanin yuridni arrahmanu bidurrin la tughniAAannee shafaAAatuhum shay-an wala yunqithoon
Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn.
إِنِّىٓ إِذًا لَّفِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
Innee ithan lafee dalalinmubeen
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).
إِنِّىٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمْ فَٱسْمَعُونِ
Innee amantu birabbikum fasmaAAoon
Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla.
قِيلَ ٱدْخُلِ ٱلْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَـٰلَيْتَ قَوْمِى يَعْلَمُونَ
Qeela odkhuli aljannata qala yalayta qawmee yaAAlamoon
Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado.
بِمَا غَفَرَ لِى رَبِّى وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُكْرَمِينَ
Bima ghafara lee rabbee wajaAAalaneemina almukrameen
Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.
۞ وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنۢ بَعْدِهِۦ مِن جُندٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ
Wama anzalna AAalaqawmihi min baAAdihi min jundin mina assama-i wamakunna munzileen
Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin.
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَـٰمِدُونَ
In kanat illa sayhatanwahidatan fa-itha hum khamidoon
Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen).
يَـٰحَسْرَةً عَلَى ٱلْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Ya hasratan AAalaalAAibadi ma ya/teehim min rasoolin illa kanoobihi yastahzi-oon
Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa.
أَلَمْ يَرَوْا۟ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ
Alam yaraw kam ahlakna qablahum minaalqurooni annahum ilayhim la yarjiAAoon
Miyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn.
وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ
Wa-in kullun lamma jameeAAun ladaynamuhdaroon
Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.
وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلْأَرْضُ ٱلْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَـٰهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ
Waayatun lahumu al-ardualmaytatu ahyaynaha waakhrajna minhahabban faminhu ya/kuloon
Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan.
وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّـٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَـٰبٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ ٱلْعُيُونِ
WajaAAalna feeha jannatinmin nakheelin waaAAnabin wafajjarna feehamina alAAuyoon
Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah).
لِيَأْكُلُوا۟ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Liya/kuloo min thamarihi wamaAAamilat-hu aydeehim afala yashkuroon
Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe.
سُبْحَـٰنَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ
Subhana allathee khalaqaal-azwaja kullaha mimma tunbitu al-arduwamin anfusihim wamimma la yaAAlamoon
Waxaana nasahana Eebaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.
وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ
Waayatun lahumu allaylu naslakhuminhu annahara fa-itha hum muthlimoon
Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii.
وَٱلشَّمْسُ تَجْرِى لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ
Washshamsu tajree limustaqarrin lahathalika taqdeeru alAAazeezi alAAaleem
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og.
وَٱلْقَمَرَ قَدَّرْنَـٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلْعُرْجُونِ ٱلْقَدِيمِ
Walqamara qaddarnahu manazilahatta AAada kalAAurjooni alqadeem
Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.
لَا ٱلشَّمْسُ يَنۢبَغِى لَهَآ أَن تُدْرِكَ ٱلْقَمَرَ وَلَا ٱلَّيْلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ
La ashshamsu yanbaghee lahaan tudrika alqamara wala allaylu sabiqu annahariwakullun fee falakin yasbahoon
Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan.
وَءَايَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ
Waayatun lahum anna hamalnathurriyyatahum fee alfulki almashhoon
Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabayaalkood Doontii buuxday.
وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِۦ مَا يَرْكَبُونَ
Wakhalaqna lahum min mithlihi mayarkaboon
Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan.
وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ
Wa-in nasha/ nughriqhum fala sareekhalahum wala hum yunqathoon
Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo.
إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَـٰعًا إِلَىٰ حِينٍ
Illa rahmatan minnawamataAAan ila heen
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُوا۟ مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Wa-itha qeela lahumu ittaqoo mabayna aydeekum wama khalfakum laAAallakum turhamoon
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ مِّنْ ءَايَـٰتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ
Wama ta/teehim min ayatin min ayatirabbihim illa kanoo AAanha muAArideen
Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطْعَمَهُۥٓ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
Wa-itha qeela lahum anfiqoo mimmarazaqakumu Allahu qala allatheena kafaroolillatheena amanoo anutAAimu man law yashaoAllahu atAAamahu in antum illa fee dalalinmubeen
Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَـٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
Wayaqooloona mata hathaalwaAAdu in kuntum sadiqeen
Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan.
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ
Ma yanthuroona illasayhatan wahidatan ta/khuthuhum wahumyakhissimoon
Ma sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.
فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَآ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ
Fala yastateeAAoona tawsiyatanwala ila ahlihim yarjiAAoon
Mana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ
Wanufikha fee assoori fa-ithahum mina al-ajdathi ila rabbihim yansiloon
Suurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi.
قَالُوا۟ يَـٰوَيْلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا ۜ ۗ هَـٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحْمَـٰنُ وَصَدَقَ ٱلْمُرْسَلُونَ
Qaloo ya waylana manbaAAathana min marqadina hatha mawaAAada arrahmanu wasadaqaalmursaloon
Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run sheegeen.
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ
In kanat illa sayhatanwahidatan fa-itha hum jameeAAun ladayna muhdaroon
Waxaan qaylo kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin.
فَٱلْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Falyawma la tuthlamunafsun shay-an wala tujzawna illa ma kuntumtaAAmaloon
Maantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen.
إِنَّ أَصْحَـٰبَ ٱلْجَنَّةِ ٱلْيَوْمَ فِى شُغُلٍ فَـٰكِهُونَ
Inna as-haba aljannati alyawmafee shughulin fakihoon
Asaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax.
هُمْ وَأَزْوَٰجُهُمْ فِى ظِلَـٰلٍ عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ
Hum waazwajuhum fee thilalinAAala al-ara-iki muttaki-oon
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare).
لَهُمْ فِيهَا فَـٰكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
Lahum feeha fakihatun walahumma yaddaAAoon
Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.
سَلَـٰمٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ
Salamun qawlan min rabbin raheem
salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli.
وَٱمْتَـٰزُوا۟ ٱلْيَوْمَ أَيُّهَا ٱلْمُجْرِمُونَ
Wamtazoo alyawma ayyuhaalmujrimoon
Soocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).
۞ أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَـٰبَنِىٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا۟ ٱلشَّيْطَـٰنَ ۖ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Alam aAAhad ilaykum ya banee adamaan la taAAbudoo ashshaytana innahu lakumAAaduwwun mubeen
Miyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Shaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay.
وَأَنِ ٱعْبُدُونِى ۚ هَـٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Waani oAAbudoonee hatha siratunmustaqeem
Ood ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.
وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا ۖ أَفَلَمْ تَكُونُوا۟ تَعْقِلُونَ
Walaqad adalla minkum jibillankatheeran afalam takoonoo taAAqiloon
Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin.
هَـٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ
Hathihi jahannamu allatee kuntumtooAAadoon
Tanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.
ٱصْلَوْهَا ٱلْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Islawha alyawma bimakuntum takfuroon
Ee gala Maanta gaalimadinii darteed.
ٱلْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَآ أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Alyawma nakhtimu AAala afwahihimwatukallimuna aydeehim watashhadu arjuluhum bima kanooyaksiboon
Maanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen.
وَلَوْ نَشَآءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰٓ أَعْيُنِهِمْ فَٱسْتَبَقُوا۟ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ
Walaw nashao latamasnaAAala aAAyunihim fastabaqoo assiratafaanna yubsiroon
Haddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki.
وَلَوْ نَشَآءُ لَمَسَخْنَـٰهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا ٱسْتَطَـٰعُوا۟ مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ
Walaw nashao lamasakhnahumAAala makanatihim fama istataAAoo mudiyyanwala yarjiAAoon
Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna.
وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِى ٱلْخَلْقِ ۖ أَفَلَا يَعْقِلُونَ
Waman nuAAammirhu nunakkis-hu fee alkhalqiafala yaAAqiloon
Ruuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn.
وَمَا عَلَّمْنَـٰهُ ٱلشِّعْرَ وَمَا يَنۢبَغِى لَهُۥٓ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْءَانٌ مُّبِينٌ
Wama AAallamnahu ashshiAArawama yanbaghee lahu in huwa illa thikrunwaqur-anun mubeen
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad.
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَى ٱلْكَـٰفِرِينَ
Liyunthira man kana hayyanwayahiqqa alqawlu AAala alkafireen
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَآ أَنْعَـٰمًا فَهُمْ لَهَا مَـٰلِكُونَ
Awa lam yaraw anna khalaqnalahum mimma AAamilat aydeena anAAaman fahumlaha malikoon
Miyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan.
وَذَلَّلْنَـٰهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ
Wathallalnaha lahumfaminha rakoobuhum waminha ya/kuloon
OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan.
وَلَهُمْ فِيهَا مَنَـٰفِعُ وَمَشَارِبُ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ
Walahum feeha manafiAAu wamasharibuafala yashkuroon
Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe.
وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ
Wattakhathoo min dooni Allahialihatan laAAallahum yunsaroon
Waxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.
لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ
La yastateeAAoona nasrahumwahum lahum jundun muhdaroon
Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan.
فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ
Fala yahzunka qawluhum innanaAAlamu ma yusirroona wama yuAAlinoon
Ee yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og waxay qarsan iyo waxay muujinbee.
أَوَلَمْ يَرَ ٱلْإِنسَـٰنُ أَنَّا خَلَقْنَـٰهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Awa lam yara al-insanu annakhalaqnahu min nutfatin fa-itha huwa khaseemunmubeen
Miyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane cad.
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِىَ خَلْقَهُۥ ۖ قَالَ مَن يُحْىِ ٱلْعِظَـٰمَ وَهِىَ رَمِيمٌ
Wadaraba lana mathalanwanasiya khalqahu qala man yuhyee alAAithamawahiya rameem
Wuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay.
قُلْ يُحْيِيهَا ٱلَّذِىٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ
Qul yuhyeeha allatheeanshaaha awwala marratin wahuwa bikulli khalqin AAaleem
Waxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay.
ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَآ أَنتُم مِّنْهُ تُوقِدُونَ
Allathee jaAAala lakum mina ashshajarial-akhdari naran fa-itha antum minhutooqidoon
Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad hursataan.
أَوَلَيْسَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخْلُقَ مِثْلَهُم ۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلْخَلَّـٰقُ ٱلْعَلِيمُ
Awa laysa allathee khalaqa assamawatiwal-arda biqadirin AAala an yakhluqamithlahum bala wahuwa alkhallaqu alAAaleem
Eebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan.
إِنَّمَآ أَمْرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيْـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
Innama amruhu itha aradashay-an an yaqoola lahu kun fayakoon
Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado.
فَسُبْحَـٰنَ ٱلَّذِى بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Fasubhana allathee biyadihimalakootu kulli shay-in wa-ilayhi turjaAAoon
Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.