قٓ ۚ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ
Qaf walqur-ani almajeed
Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
The Letter "Qaf"
قٓ ۚ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ
Qaf walqur-ani almajeed
Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
بَلْ عَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ ٱلْكَـٰفِرُونَ هَـٰذَا شَىْءٌ عَجِيبٌ
Bal AAajiboo an jaahum munthirunminhum faqala alkafiroona hatha shay-onAAajeeb
Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ۖ ذَٰلِكَ رَجْعٌۢ بَعِيدٌ
A-itha mitna wakunna turabanthalika rajAAun baAAeed
Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ ٱلْأَرْضُ مِنْهُمْ ۖ وَعِندَنَا كِتَـٰبٌ حَفِيظٌۢ
Qad AAalimna ma tanqusual-ardu minhum waAAindana kitabun hafeeth
Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ فَهُمْ فِىٓ أَمْرٍ مَّرِيجٍ
Bal kaththaboo bilhaqqilamma jaahum fahum fee amrin mareej
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
أَفَلَمْ يَنظُرُوٓا۟ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَـٰهَا وَزَيَّنَّـٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ
Afalam yanthuroo ila assama-ifawqahum kayfa banaynaha wazayyannahawama laha min furooj
Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَـٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ
Wal-arda madadnahawaalqayna feeha rawasiya waanbatnafeeha min kulli zawjin baheej
Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Tabsiratan wathikralikulli AAabdin muneeb
Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
وَنَزَّلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً مُّبَـٰرَكًا فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ جَنَّـٰتٍ وَحَبَّ ٱلْحَصِيدِ
Wanazzalna mina assama-imaan mubarakan faanbatna bihi jannatinwahabba alhaseed
Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
وَٱلنَّخْلَ بَاسِقَـٰتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ
Wannakhla basiqatinlaha talAAun nadeed
Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ ۖ وَأَحْيَيْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ ٱلْخُرُوجُ
Rizqan lilAAibadi waahyaynabihi baldatan maytan kathalika alkhurooj
Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَـٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ
Kaththabat qablahum qawmu noohinwaas-habu arrassi wathamood
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَٰنُ لُوطٍ
WaAAadun wafirAAawnu wa-ikhwanuloot
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
وَأَصْحَـٰبُ ٱلْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ ۚ كُلٌّ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
Waas-habu al-aykati waqawmutubbaAAin kullun kaththaba arrusula fahaqqawaAAeed
Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
أَفَعَيِينَا بِٱلْخَلْقِ ٱلْأَوَّلِ ۚ بَلْ هُمْ فِى لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ
AfaAAayeena bilkhalqial-awwali bal hum fee labsin min khalqin jadeed
Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِۦ نَفْسُهُۥ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ ٱلْوَرِيدِ
Walaqad khalaqna al-insanawanaAAlamu ma tuwaswisu bihi nafsuhu wanahnu aqrabuilayhi min habli alwareed
Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
إِذْ يَتَلَقَّى ٱلْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٌ
Ith yatalaqqa almutalaqqiyaniAAani alyameeni waAAani ashshimali qaAAeed
Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ
Ma yalfithu min qawlinilla ladayhi raqeebun AAateed
Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
وَجَآءَتْ سَكْرَةُ ٱلْمَوْتِ بِٱلْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ
Wajaat sakratu almawti bilhaqqithalika ma kunta minhu taheed
Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْوَعِيدِ
Wanufikha fee assoori thalikayawmu alwaAAeed
Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
وَجَآءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَآئِقٌ وَشَهِيدٌ
Wajaat kullu nafsin maAAaha sa-iqunwashaheed
Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
لَّقَدْ كُنتَ فِى غَفْلَةٍ مِّنْ هَـٰذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلْيَوْمَ حَدِيدٌ
Laqad kunta fee ghaflatin min hathafakashafna AAanka ghitaaka fabasarukaalyawma hadeed
Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen arintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَـٰذَا مَا لَدَىَّ عَتِيدٌ
Waqala qareenuhu hatha maladayya AAateed
Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
أَلْقِيَا فِى جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ
Alqiya fee jahannama kulla kaffarinAAaneed
Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jahannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ
MannaAAin lilkhayri muAAtadin mureeb
Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
ٱلَّذِى جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ
Allathee jaAAala maAAa Allahiilahan akhara faalqiyahu fee alAAathabiashshadeed
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطْغَيْتُهُۥ وَلَـٰكِن كَانَ فِى ضَلَـٰلٍۭ بَعِيدٍ
Qala qareenuhu rabbana maatghaytuhu walakin kana fee dalalinbaAAeed
Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا۟ لَدَىَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِٱلْوَعِيدِ
Qala la takhtasimooladayya waqad qaddamtu ilaykum bilwaAAeed
Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
مَا يُبَدَّلُ ٱلْقَوْلُ لَدَىَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ
Ma yubaddalu alqawlu ladayya wamaana bithallamin lilAAabeed
Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ
Yawma naqoolu lijahannama hali imtala/tiwataqoolu hal min mazeed
Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ
Waozlifati aljannatu lilmuttaqeena ghayrabaAAeed
Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
هَـٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ
Hatha ma tooAAadoona likulliawwabin hafeeth
Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
مَّنْ خَشِىَ ٱلرَّحْمَـٰنَ بِٱلْغَيْبِ وَجَآءَ بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ
Man khashiya arrahmanabilghaybi wajaa biqalbin muneeb
Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
ٱدْخُلُوهَا بِسَلَـٰمٍ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُلُودِ
Odkhulooha bisalamin thalikayawmu alkhulood
Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ
Lahum ma yashaoona feehawaladayna mazeed
Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا۟ فِى ٱلْبِلَـٰدِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ
Wakam ahlakna qablahum min qarnin humashaddu minhum batshan fanaqqaboo fee albiladi halmin mahees
Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى ٱلسَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ
Inna fee thalika lathikraliman kana lahu qalbun aw alqa assamAAawahuwa shaheed
Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ
Walaqad khalaqna assamawatiwal-arda wama baynahuma fee sittatiayyamin wama massana min lughoob
Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ ٱلْغُرُوبِ
Fasbir AAala mayaqooloona wasabbih bihamdi rabbika qabla tulooAAiashshamsi waqabla alghuroob
Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَـٰرَ ٱلسُّجُودِ
Wamina allayli fasabbihhu waadbaraassujood
Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
وَٱسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ ٱلْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
WastamiAA yawma yunadi almunadimin makanin qareeb
Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
يَوْمَ يَسْمَعُونَ ٱلصَّيْحَةَ بِٱلْحَقِّ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُرُوجِ
Yawma yasmaAAoona assayhatabilhaqqi thalika yawmu alkhurooj
Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
إِنَّا نَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا ٱلْمَصِيرُ
Inna nahnu nuhyeewanumeetu wa-ilayna almaseer
Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
يَوْمَ تَشَقَّقُ ٱلْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ۚ ذَٰلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ
Yawma tashaqqaqu al-ardu AAanhum siraAAanthalika hashrun AAalayna yaseer
Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِٱلْقُرْءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ
Nahnu aAAlamu bima yaqooloonawama anta AAalayhim bijabbarin fathakkir bilqur-animan yakhafu waAAeed
Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.