إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Itha waqaAAati alwaqiAAat
Markay Qiyaamadu dhacdo.
The Inevitable
إِذَا وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ
Itha waqaAAati alwaqiAAat
Markay Qiyaamadu dhacdo.
لَيْسَ لِوَقْعَتِهَا كَاذِبَةٌ
Laysa liwaqAAatiha kathiba
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ
Khafidatun rafiAAa
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
إِذَا رُجَّتِ ٱلْأَرْضُ رَجًّا
Itha rujjati al-ardu rajja
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
وَبُسَّتِ ٱلْجِبَالُ بَسًّا
Wabussati aljibalu bassa
Buurahana la rido (La kala daadiyo).
فَكَانَتْ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا
Fakanat habaan munbaththa
Oy noqoto boodh Firdhisan.
وَكُنتُمْ أَزْوَٰجًا ثَلَـٰثَةً
Wakuntum azwajan thalatha
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
فَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Faas-habu almaymanati maas-habu almaymanat
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
وَأَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Waas-habu almash-amati maas-habu almash-amat
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ
Wassabiqoona assabiqoon
Iyo kuwii aad u hormaray.
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Ola-ika almuqarraboon
Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
فِى جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Fee jannati annaAAeem
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
Thullatun mina al-awwaleen
Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Waqaleelun mina al-akhireena
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوْضُونَةٍ
AAala sururin mawdoona
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيْهَا مُتَقَـٰبِلِينَ
Muttaki-eena AAalayha mutaqabileen
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ
Yatoofu AAalayhim wildanunmukhalladoon
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ
Bi-akwabin waabareeqa waka/sinmin maAAeen
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan (khamri) socda.
لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ
La yusaddaAAoona AAanhawala yunzifoon
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
وَفَـٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ
Wafakihatin mimmayatakhayyaroon
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ
Walahmi tayrin mimmayashtahoon
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
وَحُورٌ عِينٌ
Wahoorun AAeen
Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
كَأَمْثَـٰلِ ٱللُّؤْلُؤِ ٱلْمَكْنُونِ
Kaamthali allu/lui almaknoon
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Jazaan bima kanooyaAAmaloon
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا
La yasmaAAoona feeha laghwanwala ta/theema
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
إِلَّا قِيلًا سَلَـٰمًا سَلَـٰمًا
Illa qeelan salaman salama
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
وَأَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلْيَمِينِ
Waas-habu alyameeni maas-habu alyameen
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
فِى سِدْرٍ مَّخْضُودٍ
Fee sidrin makhdood
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ
Watalhin mandood
Iyo Geedka Dhalxiga (Muuska Oo isasaarsaaran) ah oo buuxa.
وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ
Wathillin mamdood
Iyo Hoos joogta ah.
وَمَآءٍ مَّسْكُوبٍ
Wama-in maskoob
Iyo Biyo socda (goor walba).
وَفَـٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ
Wafakihatin katheera
Iyo Faakiha badan.
لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ
La maqtooAAatin walamamnooAAa
Oon la goynaynin lana reebaynin.
وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ
Wafurushin marfooAAa
Iyo Gogol la koryeelay.
إِنَّآ أَنشَأْنَـٰهُنَّ إِنشَآءً
Inna ansha/nahunna inshaa
Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).
فَجَعَلْنَـٰهُنَّ أَبْكَارًا
FajaAAalnahunna abkara
Kana dhigi kuwa aan la taaban.
عُرُبًا أَتْرَابًا
AAuruban atraba
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
لِّأَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
Li-as-habi alyameen
kuwa Midigta yaa muta (arrintaas).
ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ
Thullatun mina al-awwaleen
Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلْـَٔاخِرِينَ
Wathullatun mina al-akhireen
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
وَأَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصْحَـٰبُ ٱلشِّمَالِ
Waas-habu ashshimalima as-habu ashshimal
Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
فِى سَمُومٍ وَحَمِيمٍ
Fee samoomin wahameem
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ
Wathillin min yahmoom
Iyo hoos madow oo wax guba.
لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ
La baridin wala kareem
Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ
Innahum kanoo qabla thalikamutrafeen
Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
وَكَانُوا۟ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلْحِنثِ ٱلْعَظِيمِ
Wakanoo yusirroona AAalaalhinthi alAAatheem
Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.
وَكَانُوا۟ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَـٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ
Wakanoo yaqooloona a-itha mitnawakunna turaban waAAithamana-inna lamabAAoothoon
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ
Awa abaona al-awwaloon
Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
قُلْ إِنَّ ٱلْأَوَّلِينَ وَٱلْـَٔاخِرِينَ
Qul inna al-awwaleena wal-akhireen
Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَـٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ
LamajmooAAoona ila meeqatiyawmin maAAloom
Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
ثُمَّ إِنَّكُمْ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلْمُكَذِّبُونَ
Thumma innakum ayyuha addalloonaalmukaththiboon
Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
لَـَٔاكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ
Laakiloona min shajarin min zaqqoom
Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ
Famali-oona minha albutoon
Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
فَشَـٰرِبُونَ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْحَمِيمِ
Fashariboona AAalayhi mina alhameem
Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
فَشَـٰرِبُونَ شُرْبَ ٱلْهِيمِ
Fashariboona shurba alheem
Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
هَـٰذَا نُزُلُهُمْ يَوْمَ ٱلدِّينِ
Hatha nuzuluhum yawma addeen
Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
نَحْنُ خَلَقْنَـٰكُمْ فَلَوْلَا تُصَدِّقُونَ
Nahnu khalaqnakum falawlatusaddiqoon
(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
أَفَرَءَيْتُم مَّا تُمْنُونَ
Afaraaytum ma tumnoon
Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
ءَأَنتُمْ تَخْلُقُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلْخَـٰلِقُونَ
Aantum takhluqoonahu am nahnu alkhaliqoon
Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ ٱلْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ
Nahnu qaddarna baynakumualmawta wama nahnu bimasbooqeen
Annagaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَـٰلَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِى مَا لَا تَعْلَمُونَ
AAala an nubaddila amthalakumwanunshi-akum fee ma la taAAlamoon
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ
Walaqad AAalimtumu annash-ata al-oolafalawla tathakkaroon
Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
أَفَرَءَيْتُم مَّا تَحْرُثُونَ
Afaraaytum ma tahruthoon
Ka warrama waxaad beereysaan.
ءَأَنتُمْ تَزْرَعُونَهُۥٓ أَمْ نَحْنُ ٱلزَّٰرِعُونَ
Aantum tazraAAoonahu am nahnu azzariAAoon
Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
لَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَـٰهُ حُطَـٰمًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ
Law nashao lajaAAalnahu hutamanfathaltum tafakkahoon
Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
إِنَّا لَمُغْرَمُونَ
Inna lamughramoon
(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ
Bal nahnu mahroomoon
Mase waa nala hoojiyay.
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلْمَآءَ ٱلَّذِى تَشْرَبُونَ
Afaraaytumu almaa allatheetashraboon
Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
ءَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ ٱلْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنزِلُونَ
Aantum anzaltumoohu mina almuzni am nahnualmunziloon
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
لَوْ نَشَآءُ جَعَلْنَـٰهُ أُجَاجًا فَلَوْلَا تَشْكُرُونَ
Law nashao jaAAalnahu ojajanfalawla tashkuroon
Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh ee maad ku mahadisaan (Eebe).
أَفَرَءَيْتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِى تُورُونَ
Afaraaytumu annara allateetooroon
Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
ءَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَآ أَمْ نَحْنُ ٱلْمُنشِـُٔونَ
Aantum ansha/tum shajarataha am nahnualmunshi-oon
Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
نَحْنُ جَعَلْنَـٰهَا تَذْكِرَةً وَمَتَـٰعًا لِّلْمُقْوِينَ
Nahnu jaAAalnaha tathkiratanwamataAAan lilmuqween
Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
Fasabbih bismi rabbika alAAatheem
Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
۞ فَلَآ أُقْسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ
Fala oqsimu bimawaqiAAi annujoom
(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوْ تَعْلَمُونَ عَظِيمٌ
Wa-innahu laqasamun law taAAlamoona AAatheem
Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
إِنَّهُۥ لَقُرْءَانٌ كَرِيمٌ
Innahu laqur-anun kareem
Quraanku waa shay sharaf leh.
فِى كِتَـٰبٍ مَّكْنُونٍ
Fee kitabin maknoon
Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُطَهَّرُونَ
La yamassuhu illa almutahharoon
Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Tanzeelun min rabbi alAAalameen
Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
أَفَبِهَـٰذَا ٱلْحَدِيثِ أَنتُم مُّدْهِنُونَ
Afabihatha alhadeethi antummudhinoon
Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
وَتَجْعَلُونَ رِزْقَكُمْ أَنَّكُمْ تُكَذِّبُونَ
WatajAAaloona rizqakum annakum tukaththiboon
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Rizqigiinna beenin (Xaqa).
فَلَوْلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلْحُلْقُومَ
Falawla itha balaghati alhulqoom
Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
وَأَنتُمْ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ
Waantum heena-ithin tanthuroona
Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَـٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ
Wanahnu aqrabu ilayhi minkum walakinla tubsiroon
Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
فَلَوْلَآ إِن كُنتُمْ غَيْرَ مَدِينِينَ
Falawla in kuntum ghayra madeeneen
Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
تَرْجِعُونَهَآ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
TarjiAAoonaha in kuntum sadiqeen
Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
Faamma in kana minaalmuqarrabeen
Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
فَرَوْحٌ وَرَيْحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ
Farawhun warayhanun wajannatunaAAeem
Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
Waamma in kana min as-habialyameen
Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
فَسَلَـٰمٌ لَّكَ مِنْ أَصْحَـٰبِ ٱلْيَمِينِ
Fasalamun laka min as-habialyameen
Nabadgalyaa kaaga sugnaatay kuwa midigta.
وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلْمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ
Waamma in kana mina almukaththibeenaaddalleen
Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
فَنُزُلٌ مِّنْ حَمِيمٍ
Fanuzulun min hameem
Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
وَتَصْلِيَةُ جَحِيمٍ
Watasliyatu jaheem
Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلْيَقِينِ
Inna hatha lahuwa haqqualyaqeen
Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ
Fasabbih bismi rabbika alAAatheem
Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.