الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ
Alif-lam-ra tilka ayatualkitabi waqur-anin mubeen
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
The Rocky Tract
الٓر ۚ تِلْكَ ءَايَـٰتُ ٱلْكِتَـٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ
Alif-lam-ra tilka ayatualkitabi waqur-anin mubeen
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ كَانُوا۟ مُسْلِمِينَ
Rubama yawaddu allatheenakafaroo law kanoo muslimeen
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا۟ وَيَتَمَتَّعُوا۟ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Tharhum ya/kuloo wayatamattaAAoowayulhihimu al-amalu fasawfa yaAAlamoon
ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ
Wama ahlakna min qaryatin illawalaha kitabun maAAloom
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ
Ma tasbiqu min ommatin ajalahawama yasta/khiroon
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
وَقَالُوا۟ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِى نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ
Waqaloo ya ayyuha allatheenuzzila AAalayhi aththikru innaka lamajnoon
Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Law ma ta/teena bilmala-ikatiin kunta mina assadiqeen
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.
مَا نُنَزِّلُ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَمَا كَانُوٓا۟ إِذًا مُّنظَرِينَ
Ma nunazzilu almala-ikata illabilhaqqi wama kanoo ithan munthareen
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا ٱلذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَـٰفِظُونَ
Inna nahnu nazzalna aththikrawa-inna lahu lahafithoon
Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى شِيَعِ ٱلْأَوَّلِينَ
Walaqad arsalna min qablika feeshiyaAAi al-awwaleen
waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Wama ya/teehim min rasoolin illakanoo bihi yastahzi-oon
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُۥ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ
Kathalika naslukuhu fee quloobialmujrimeen
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ ۖ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ
La yu/minoona bihi waqad khalatsunnatu al-awwaleen
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّوا۟ فِيهِ يَعْرُجُونَ
Walaw fatahna AAalayhim babanmina assama-i fathalloo feehiyaAArujoon
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
لَقَالُوٓا۟ إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَـٰرُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ
Laqaloo innama sukkirat absarunabal nahnu qawmun mashooroon
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّـٰهَا لِلنَّـٰظِرِينَ
Walaqad jaAAalna fee assama-iburoojan wazayyannaha linnathireen
waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
وَحَفِظْنَـٰهَا مِن كُلِّ شَيْطَـٰنٍ رَّجِيمٍ
Wahafithnahamin kulli shaytanin rajeem
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
إِلَّا مَنِ ٱسْتَرَقَ ٱلسَّمْعَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ
Illa mani istaraqa assamAAafaatbaAAahu shihabun mubeen
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَـٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَىْءٍ مَّوْزُونٍ
Wal-arda madadnahawaalqayna feeha rawasiya waanbatnafeeha min kulli shay-in mawzoon
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَـٰيِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
WajaAAalna lakum feeha maAAayishawaman lastum lahu biraziqeen
waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
وَإِن مِّن شَىْءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعْلُومٍ
Wa-in min shay-in illa AAindanakhaza-inuhu wama nunazziluhu illa biqadarinmaAAloom
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
وَأَرْسَلْنَا ٱلرِّيَـٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَسْقَيْنَـٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمْ لَهُۥ بِخَـٰزِنِينَ
Waarsalna arriyaha lawaqihafaanzalna mina assama-i maanfaasqaynakumoohu wama antum lahu bikhazineen
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
وَإِنَّا لَنَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَنَحْنُ ٱلْوَٰرِثُونَ
Wa-inna lanahnu nuhyeewanumeetu wanahnu alwarithoon
annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَقْدِمِينَ مِنكُمْ وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَـْٔخِرِينَ
Walaqad AAalimna almustaqdimeenaminkum walaqad AAalimna almusta/khireen
waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحْشُرُهُمْ ۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٌ
Wa-inna rabbaka huwa yahshuruhuminnahu hakeemun AAaleem
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
Walaqad khalaqna al-insana minsalsalin min hama-in masnoon
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
وَٱلْجَآنَّ خَلَقْنَـٰهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ
Waljanna khalaqnahumin qablu min nari assamoom
Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَـٰٓئِكَةِ إِنِّى خَـٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
Wa-ith qala rabbuka lilmala-ikatiinnee khaliqun basharan min salsalin min hama-inmasnoon
Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَـٰجِدِينَ
Fa-itha sawwaytuhu wanafakhtu feehimin roohee faqaAAoo lahu sajideen
Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
فَسَجَدَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ
Fasajada almala-ikatu kulluhumajmaAAoon
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan.
إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
Illa ibleesa aba an yakoonamaAAa assajideen
Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.
قَالَ يَـٰٓإِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
Qala ya ibleesu ma lakaalla takoona maAAa assajideen
Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.
قَالَ لَمْ أَكُن لِّأَسْجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقْتَهُۥ مِن صَلْصَـٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ
Qala lam akun li-asjuda libasharinkhalaqtahu min salsalin min hama-in masnoon
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.
قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ
Qala fakhruj minhafa-innaka rajeem
Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.
وَإِنَّ عَلَيْكَ ٱللَّعْنَةَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ
Wa-inna AAalayka allaAAnata ila yawmiaddeen
Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
Qala rabbi faanthirneeila yawmi yubAAathoon
Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ
Qala fa-innaka mina almunthareen
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ
Ila yawmi alwaqti almaAAloom
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغْوَيْتَنِى لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
Qala rabbi bima aghwaytaneelaozayyinanna lahum fee al-ardi walaoghwiyannahumajmaAAeen
Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ
Illa AAibadaka minhumualmukhlaseen
Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
قَالَ هَـٰذَا صِرَٰطٌ عَلَىَّ مُسْتَقِيمٌ
Qala hatha siratunAAalayya mustaqeem
Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
إِنَّ عِبَادِى لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَـٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْغَاوِينَ
Inna AAibadee laysa laka AAalayhimsultanun illa mani ittabaAAaka mina alghaween
Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.
وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ
Wa-inna jahannama lamawAAiduhum ajmaAAeen
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَٰبٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ
Laha sabAAatu abwabin likullibabin minhum juz-on maqsoom
Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّـٰتٍ وَعُيُونٍ
Inna almuttaqeena fee jannatinwaAAuyoon
kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
ٱدْخُلُوهَا بِسَلَـٰمٍ ءَامِنِينَ
Odkhulooha bisalamin amineen
waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
وَنَزَعْنَا مَا فِى صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ إِخْوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَـٰبِلِينَ
WanazaAAna ma fee sudoorihimmin ghillin ikhwanan AAala sururin mutaqabileen
waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.
لَا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ
La yamassuhum feeha nasabunwama hum minha bimukhrajeen
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.
۞ نَبِّئْ عِبَادِىٓ أَنِّىٓ أَنَا ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Nabbi/ AAibadee annee anaalghafooru arraheem
U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,
وَأَنَّ عَذَابِى هُوَ ٱلْعَذَابُ ٱلْأَلِيمُ
Waanna AAathabee huwa alAAathabual-aleem
iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.
وَنَبِّئْهُمْ عَن ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ
Wanabbi/hum AAan dayfi ibraheem
Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim.
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَـٰمًا قَالَ إِنَّا مِنكُمْ وَجِلُونَ
Ith dakhaloo AAalayhi faqaloosalaman qala inna minkum wajiloon
Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
قَالُوا۟ لَا تَوْجَلْ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَـٰمٍ عَلِيمٍ
Qaloo la tawjal innanubashshiruka bighulamin AAaleem
ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
قَالَ أَبَشَّرْتُمُونِى عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِىَ ٱلْكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
Qala abashshartumoonee AAalaan massaniya alkibaru fabima tubashshiroon
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
قَالُوا۟ بَشَّرْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْقَـٰنِطِينَ
Qaloo bashsharnaka bilhaqqifala takun mina alqaniteen
Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
Qala waman yaqnatu min rahmatirabbihi illa addalloon
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
Qala fama khatbukumayyuha almursaloon
Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
Qaloo inna orsilna ilaqawmin mujrimeen
Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمْ أَجْمَعِينَ
Illa ala lootin innalamunajjoohum ajmaAAeen
Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَآ ۙ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلْغَـٰبِرِينَ
Illa imraatahu qaddarna innahalamina alghabireen
Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلُونَ
Falamma jaa ala lootinalmursaloon
Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
Qala innakum qawmun munkaroon
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
قَالُوا۟ بَلْ جِئْنَـٰكَ بِمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَمْتَرُونَ
Qaloo bal ji/naka bimakanoo feehi yamtaroon
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
وَأَتَيْنَـٰكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّا لَصَـٰدِقُونَ
Waataynaka bilhaqqiwa-inna lasadiqoon
Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ ٱلَّيْلِ وَٱتَّبِعْ أَدْبَـٰرَهُمْ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ وَٱمْضُوا۟ حَيْثُ تُؤْمَرُونَ
Faasri bi-ahlika biqitAAin minaallayli wattabiAA adbarahum wala yaltafitminkum ahadun wamdoo haythutu/maroon
Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
وَقَضَيْنَآ إِلَيْهِ ذَٰلِكَ ٱلْأَمْرَ أَنَّ دَابِرَ هَـٰٓؤُلَآءِ مَقْطُوعٌ مُّصْبِحِينَ
Waqadayna ilayhi thalikaal-amra anna dabira haola-i maqtooAAunmusbiheen
Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
وَجَآءَ أَهْلُ ٱلْمَدِينَةِ يَسْتَبْشِرُونَ
Wajaa ahlu almadeenati yastabshiroon
Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
قَالَ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ ضَيْفِى فَلَا تَفْضَحُونِ
Qala inna haola-i dayfeefala tafdahoon
Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ
Wattaqoo Allaha walatukhzoon
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
قَالُوٓا۟ أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ ٱلْعَـٰلَمِينَ
Qaloo awa lam nanhaka AAani alAAalameen
Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
قَالَ هَـٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِىٓ إِن كُنتُمْ فَـٰعِلِينَ
Qala haola-i banateein kuntum faAAileen
wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
لَعَمْرُكَ إِنَّهُمْ لَفِى سَكْرَتِهِمْ يَعْمَهُونَ
LaAAamruka innahum lafee sakratihimyaAAmahoona
Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُشْرِقِينَ
Faakhathat-humu assayhatumushriqeen
Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
فَجَعَلْنَا عَـٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ
FajaAAalna AAaliyaha safilahawaamtarna AAalayhim hijaratan minsijjeel
Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَـٰتٍ لِّلْمُتَوَسِّمِينَ
Inna fee thalika laayatinlilmutawassimeen
Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٍ مُّقِيمٍ
Wa-innaha labisabeelin muqeem
Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ
Inna fee thalika laayatanlilmu/mineen
Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.
وَإِن كَانَ أَصْحَـٰبُ ٱلْأَيْكَةِ لَظَـٰلِمِينَ
Wa-in kana as-habual-aykati lathalimeen
Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ
Fantaqamna minhum wa-innahumalabi-imamin mubeen
Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
وَلَقَدْ كَذَّبَ أَصْحَـٰبُ ٱلْحِجْرِ ٱلْمُرْسَلِينَ
Walaqad kaththaba as-habualhijri almursaleen
Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
وَءَاتَيْنَـٰهُمْ ءَايَـٰتِنَا فَكَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ
Waataynahum ayatinafakanoo AAanha muAArideen
Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
وَكَانُوا۟ يَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ
Wakanoo yanhitoona mina aljibalibuyootan amineen
Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.
فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُصْبِحِينَ
Faakhathat-humu assayhatumusbiheen
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii.
فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Fama aghna AAanhum ma kanooyaksiboon
Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen.
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَـَٔاتِيَةٌ ۖ فَٱصْفَحِ ٱلصَّفْحَ ٱلْجَمِيلَ
Wama khalaqna assamawatiwal-arda wama baynahuma illabilhaqqi wa-inna assaAAata laatiyatunfasfahi assafhaaljameel
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلْخَلَّـٰقُ ٱلْعَلِيمُ
Inna rabbaka huwa alkhallaqualAAaleem
Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَـٰكَ سَبْعًا مِّنَ ٱلْمَثَانِى وَٱلْقُرْءَانَ ٱلْعَظِيمَ
Walaqad ataynaka sabAAan minaalmathanee walqur-ana alAAatheem
waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.
لَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِلْمُؤْمِنِينَ
La tamuddanna AAaynayka ila mamattaAAna bihi azwajan minhum wala tahzanAAalayhim wakhfid janahaka lilmu/mineen
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilci) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta.
وَقُلْ إِنِّىٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلْمُبِينُ
Waqul innee ana annatheerualmubeen
waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.
كَمَآ أَنزَلْنَا عَلَى ٱلْمُقْتَسِمِينَ
Kama anzalna AAalaalmuqtasimeen
sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
ٱلَّذِينَ جَعَلُوا۟ ٱلْقُرْءَانَ عِضِينَ
Allatheena jaAAaloo alqur-anaAAideen
ee kayeelay Quraanka Qaybo.
فَوَرَبِّكَ لَنَسْـَٔلَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
Fawarabbika lanas-alannahum ajmaAAeen
Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
عَمَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
AAamma kanoo yaAAmaloon
waxay falayeen.
فَٱصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ ٱلْمُشْرِكِينَ
FasdaAA bima tu/maruwaaAArid AAani almushrikeen
ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.
إِنَّا كَفَيْنَـٰكَ ٱلْمُسْتَهْزِءِينَ
Inna kafaynaka almustahzi-een
anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.
ٱلَّذِينَ يَجْعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَـٰهًا ءَاخَرَ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Allatheena yajAAaloona maAAa Allahiilahan akhara fasawfa yaAAlamoon
ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
Walaqad naAAlamu annaka yadeequ sadrukabima yaqooloon
waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّـٰجِدِينَ
Fasabbih bihamdi rabbika wakunmina assajideen
ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.
وَٱعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأْتِيَكَ ٱلْيَقِينُ
WaAAbud rabbaka hattaya/tiyaka alyaqeen
Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).