MyAwqat
EnglishEnglish
Arabicالعربية
Malayalamമലയാളം
Urduاردو
Hindiहिन्दी
Bengaliবাংলা
Tamilதமிழ்
Teluguతెలుగు
Chinese中文
Japanese日本語
Korean한국어
RussianРусский
FrenchFrançais
TurkishTürkçe
MalayBahasa Melayu
IndonesianIndonesia
SomaliSoomaali
GermanDeutsch
SpanishEspañol
PortuguesePortuguês
SwahiliKiswahili
Thaiไทย
Persianفارسی
Hebrewעברית
Kurdishکوردی
HausaHausa
Amharicአማርኛ
Gujaratiગુજરાતી
Kannadaಕನ್ನಡ
Pashtoپښتو
ItalianItaliano
8

Surah Al-Anfal

الأنفال

The Spoils of War

75 verses · Madaniyyah · Revelation order 88

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
8:1

يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْأَنفَالِ ۖ قُلِ ٱلْأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ ۖ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَصْلِحُوا۟ ذَاتَ بَيْنِكُمْ ۖ وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ

Yas-aloonaka AAani al-anfali qulial-anfalu lillahi warrasooli fattaqooAllaha waaslihoo thata baynikum waateeAAooAllaha warasoolahu in kuntum mu/mineen

Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo Rumeeyey tihiin.

Tafsir Al-Muyassar: يسألك أصحابك -أيها النبي- عن الغنائم يوم «بدر» كيف تقسمها بينهم؟ قل لهم: إنَّ أمرها إلى الله ورسوله، فالرسول يتولى قسمتها بأمر ربه، فاتقوا عقاب الله ولا تُقَدموا على معصيته، واتركوا المنازعة والمخاصمة بسبب هذه الأموال، وأصلحوا الحال بينكم، والتزموا طاعة الله ورسوله إن كنتم مؤمنين; فإن الإيمان يدعو إلى طاعة الله ورسوله.
8:2

إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُهُۥ زَادَتْهُمْ إِيمَـٰنًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ

Innama almu/minoona allatheenaitha thukira Allahu wajilat quloobuhum wa-ithatuliyat AAalayhim ayatuhu zadat-hum eemananwaAAala rabbihim yatawakkaloon

Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta,

Tafsir Al-Muyassar: إنما المؤمنون بالله حقًا هم الذين إذا ذُكِر الله فزعت قلوبهم، وإذا تليت عليهم آيات القرآن زادتهم إيمانًا مع إيمانهم، لتدبرهم لمعانيه وعلى الله تعالى يتوكلون، فلا يرجون غيره، ولا يرهبون سواه.
8:3

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقْنَـٰهُمْ يُنفِقُونَ

Allatheena yuqeemoona assalatawamimma razaqnahum yunfiqoon

Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.

Tafsir Al-Muyassar: الذين يداومون على أداء الصلوات المفروضة في أوقاتها، ومما رزقناهم من الأموال ينفقون فيما أمرناهم به.
8:4

أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُمْ دَرَجَـٰتٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ

Ola-ika humu almu/minoona haqqanlahum darajatun AAinda rabbihim wamaghfiratun warizqunkareem

Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh.

Tafsir Al-Muyassar: هؤلاء الذين يفعلون هذه الأفعال هم المؤمنون حقًا ظاهرًا وباطنًا بما أنزل الله عليهم، لهم منازل عالية عند الله، وعفو عن ذنوبهم، ورزق كريم، وهو الجنة.
8:5

كَمَآ أَخْرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيْتِكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ لَكَـٰرِهُونَ

Kama akhrajaka rabbuka min baytika bilhaqqiwa-inna fareeqan mina almu/mineena lakarihoon

Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta ka mida way Nacayeen.

Tafsir Al-Muyassar: كما أنكم لما اختلفتم في المغانم فانتزعها الله منكم، وجعلها إلى قَسْمه وقَسْم رسوله صلى الله عليه وسلم، كذلك أمرك ربك -أيها النبي- بالخروج من «المدينة» للقاء عِيْر قريش، وذلك بالوحي الذي أتاك به جبريل مع كراهة فريق من المؤمنين للخروج.
8:6

يُجَـٰدِلُونَكَ فِى ٱلْحَقِّ بَعْدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلْمَوْتِ وَهُمْ يَنظُرُونَ

Yujadiloonaka fee alhaqqibaAAda ma tabayyana kaannama yusaqoona ilaalmawti wahum yanthuroon

Waxayna kugula Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi.

Tafsir Al-Muyassar: يجادلك -أيها النبي- فريق من المؤمنين في القتال مِن بعد ما تبيَّن لهم أن ذلك واقع، كأنهم يساقون إلى الموت، وهم ينظرون إليه عِيانًا.
8:7

وَإِذْ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحْدَى ٱلطَّآئِفَتَيْنِ أَنَّهَا لَكُمْ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيْرَ ذَاتِ ٱلشَّوْكَةِ تَكُونُ لَكُمْ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَـٰتِهِۦ وَيَقْطَعَ دَابِرَ ٱلْكَـٰفِرِينَ

Wa-ith yaAAidukumu Allahu ihdaatta-ifatayni annaha lakum watawaddoonaanna ghayra thati ashshawkati takoonu lakumwayureedu Allahu an yuhiqqa alhaqqa bikalimatihiwayaqtaAAa dabira alkafireen

Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii) idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu Xaqa ku sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada.

Tafsir Al-Muyassar: واذكروا -أيها المجادلون- وَعْدَ الله لكم بالظَّفْر بإحدى الطائفتين: العير وما تحمله مِن أرزاق، أو النفير، وهو قتال الأعداء والانتصار عليهم، وأنتم تحبون الظَّفْر بالعير دون القتال، ويريد الله أن يحق الإسلام، ويُعْليه بأمره إياكم بقتال الكفار، ويستأصل الكافرين بالهلاك.
8:8

لِيُحِقَّ ٱلْحَقَّ وَيُبْطِلَ ٱلْبَـٰطِلَ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُجْرِمُونَ

Liyuhiqqa alhaqqa wayubtilaalbatila walaw kariha almujrimoon

Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen Dambiilayaashuye.

Tafsir Al-Muyassar: ليعزَّ الله الإسلام وأهله، ويذهب الشرك وأهله، ولو كره المشركون ذلك.
8:9

إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَٱسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّى مُمِدُّكُم بِأَلْفٍ مِّنَ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ مُرْدِفِينَ

Ith tastagheethoona rabbakum fastajabalakum annee mumiddukum bi-alfin mina almala-ikatimurdifeen

Xusuusta markaad ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan.

Tafsir Al-Muyassar: اذكروا نعمة الله عليكم يوم «بدر» إذ تطلبون النصر على عدوكم، فاستجاب الله لدعائكم قائلا إني ممدُّكم بألف من الملائكة من السماء، يتبع بعضهم بعضًا.
8:10

وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشْرَىٰ وَلِتَطْمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمْ ۚ وَمَا ٱلنَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِندِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Wama jaAAalahu Allahu illabushra walitatma-inna bihi quloobukum wama annasruilla min AAindi Allahi inna Allaha AAazeezunhakeem

Wuxuu Eebe u Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San.

Tafsir Al-Muyassar: وما جعل الله ذلك الإمداد إلا بشارة لكم بالنصر، ولتسكن به قلوبكم، وتوقنوا بنصر الله لكم، وما النصر إلا من عند الله، لا بشدة بأسكم وقواكم. إن الله عزيز في ملكه، حكيم في تدبيره وشرعه.
8:11

إِذْ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةً مِّنْهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيْكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذْهِبَ عَنكُمْ رِجْزَ ٱلشَّيْطَـٰنِ وَلِيَرْبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمْ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلْأَقْدَامَ

Ith yughashsheekumu annuAAasaamanatan minhu wayunazzilu AAalaykum mina assama-imaan liyutahhirakum bihi wayuthhiba AAankumrijza ashshaytani waliyarbita AAalaquloobikum wayuthabbita bihi al-aqdam

Xusuustana markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna.

8:12

إِذْ يُوحِى رَبُّكَ إِلَى ٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ أَنِّى مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ۚ سَأُلْقِى فِى قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱلرُّعْبَ فَٱضْرِبُوا۟ فَوْقَ ٱلْأَعْنَاقِ وَٱضْرِبُوا۟ مِنْهُمْ كُلَّ بَنَانٍ

Ith yoohee rabbuka ilaalmala-ikati annee maAAakum fathabbitoo allatheena amanoosaolqee fee quloobi allatheena kafaroo arruAAba fadriboofawqa al-aAAnaqi wadriboo minhum kulla banan

Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey (Xoojiya) waxaan ku Tuuri Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca Xubnaha faraha.

8:13

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ شَآقُّوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ ۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ

Thalika bi-annahum shaqqoo Allahawarasoolahu waman yushaqiqi Allaha warasoolahufa-inna Allaha shadeedu alAAiqab

Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab daranyahay.

8:14

ذَٰلِكُمْ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلْكَـٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ

Thalikum fathooqoohu waannalilkafireena AAathaba annar

ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta.

8:15

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ زَحْفًا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلْأَدْبَارَ

Ya ayyuha allatheena amanooitha laqeetumu allatheena kafaroo zahfan falatuwalloohumu al-adbar

Kuwa Xaqa Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u jeedinina dabada (ha cararina).

8:16

وَمَن يُوَلِّهِمْ يَوْمَئِذٍ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِّقِتَالٍ أَوْ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدْ بَآءَ بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأْوَىٰهُ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ

Waman yuwallihim yawma-ithin duburahuilla mutaharrifan liqitalin aw mutahayyizanila fi-atin faqad baa bighadabin mina Allahiwama/wahu jahannamu wabi/sa almaseer

Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.

8:17

فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمْ ۚ وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ ۚ وَلِيُبْلِىَ ٱلْمُؤْمِنِينَ مِنْهُ بَلَآءً حَسَنًا ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

Falam taqtuloohum walakinna Allahaqatalahum wama ramayta ith ramayta walakinnaAllaha rama waliyubliya almu/mineena minhu balaanhasanan inna Allaha sameeAAun AAaleem

Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase Ganay (ku Hagaajiyey) inuu u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og.

8:18

ذَٰلِكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيْدِ ٱلْكَـٰفِرِينَ

Thalikum waanna Allaha moohinukaydi alkafireen

Arrintaasna waxaa ugu wacan in Eebe uu Tabaryarayn Dhagrate Gaalada.

8:19

إِن تَسْتَفْتِحُوا۟ فَقَدْ جَآءَكُمُ ٱلْفَتْحُ ۖ وَإِن تَنتَهُوا۟ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَإِن تَعُودُوا۟ نَعُدْ وَلَن تُغْنِىَ عَنكُمْ فِئَتُكُمْ شَيْـًٔا وَلَوْ كَثُرَتْ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

In tastaftihoo faqad jaakumualfathu wa-in tantahoo fahuwa khayrun lakum wa-intaAAoodoo naAAud walan tughniya AAankum fi-atukum shay-an walawkathurat waanna Allaha maAAa almu/mineen

Haddaad kala Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana wuxuu la Jiraa Mu'miniinta.

8:20

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَأَنتُمْ تَسْمَعُونَ

Ya ayyuha allatheena amanooateeAAoo Allaha warasoolahu wala tawallawAAanhu waantum tasmaAAoon

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli.

8:21

وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ قَالُوا۟ سَمِعْنَا وَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ

Wala takoonoo kallatheenaqaloo samiAAna wahum la yasmaAAoon

Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn.

8:22

۞ إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلْبُكْمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعْقِلُونَ

Inna sharra addawabbi AAindaAllahi assummu albukmu allatheena layaAAqiloon

Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga).

8:23

وَلَوْ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمْ خَيْرًا لَّأَسْمَعَهُمْ ۖ وَلَوْ أَسْمَعَهُمْ لَتَوَلَّوا۟ وَّهُم مُّعْرِضُونَ

Walaw AAalima Allahu feehim khayranlaasmaAAahum walaw asmaAAahum latawallaw wahum muAAridoon

hadduu ku Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi.

8:24

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱسْتَجِيبُوا۟ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ ۖ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ ٱلْمَرْءِ وَقَلْبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ

Yaayyuha allatheena amanooistajeeboo lillahi walirrasooli itha daAAakumlima yuhyeekum waAAlamoo anna Allahayahoolu bayna almar-i waqalbihi waannahu ilayhi tuhsharoon

Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin soo Kulmin.

8:25

وَٱتَّقُوا۟ فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنكُمْ خَآصَّةً ۖ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ

Wattaqoo fitnatan la tuseebannaallatheena thalamoo minkum khassatanwaAAlamoo anna Allaha shadeedu alAAiqab

Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay.

8:26

وَٱذْكُرُوٓا۟ إِذْ أَنتُمْ قَلِيلٌ مُّسْتَضْعَفُونَ فِى ٱلْأَرْضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمْ وَأَيَّدَكُم بِنَصْرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَـٰتِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Wathkuroo ith antumqaleelun mustadAAafoona fee al-ardi takhafoonaan yatakhattafakumu annasu faawakumwaayyadakum binasrihi warazaqakum mina attayyibatilaAAallakum tashkuroon

Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin Dhaweeyey (Dumay) idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan.

8:27

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَخُونُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓا۟ أَمَـٰنَـٰتِكُمْ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ

Ya ayyuha allatheena amanoola takhoonoo Allaha warrasoola watakhoonooamanatikum waantum taAAlamoon

Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og.

8:28

وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَـٰدُكُمْ فِتْنَةٌ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ

WaAAlamoo annama amwalukumwaawladukum fitnatun waanna Allaha AAindahu ajrunAAatheem

Ogaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir wayn yahay.

8:29

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تَتَّقُوا۟ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّكُمْ فُرْقَانًا وَيُكَفِّرْ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ

Ya ayyuha allatheena amanooin tattaqoo Allaha yajAAal lakum furqananwayukaffir AAankum sayyi-atikum wayaghfir lakum wallahuthoo alfadli alAAatheem

Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli Wayne.

8:30

وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ ٱللَّهُ ۖ وَٱللَّهُ خَيْرُ ٱلْمَـٰكِرِينَ

Wa-ith yamkuru bika allatheenakafaroo liyuthbitooka aw yaqtulooka aw yukhrijooka wayamkuroonawayamkuru Allahu wallahu khayru almakireen

Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal mariye Khayr roona ah.

8:31

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا قَالُوا۟ قَدْ سَمِعْنَا لَوْ نَشَآءُ لَقُلْنَا مِثْلَ هَـٰذَآ ۙ إِنْ هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Wa-itha tutla AAalayhim ayatunaqaloo qad samiAAna law nashao laqulnamithla hatha in hatha illa asateerual-awwaleen

Marka lagu Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha.

8:32

وَإِذْ قَالُوا۟ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَـٰذَا هُوَ ٱلْحَقَّ مِنْ عِندِكَ فَأَمْطِرْ عَلَيْنَا حِجَارَةً مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئْتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Wa-ith qaloo allahummain kana hatha huwa alhaqqa min AAindika faamtirAAalayna hijaratan mina assama-iawi i/tina biAAathabin aleem

Xusuuso markay Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo keen Cadaab daran.

8:33

وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ

Wama kana AllahuliyuAAaththibahum waanta feehim wama kanaAllahu muAAaththibahum wahum yastaghfiroon

Eebase ma aha kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan.

8:34

وَمَا لَهُمْ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمْ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ وَمَا كَانُوٓا۟ أَوْلِيَآءَهُۥٓ ۚ إِنْ أَوْلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلْمُتَّقُونَ وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Wama lahum alla yuAAaththibahumuAllahu wahum yasuddoona AAani almasjidi alharamiwama kanoo awliyaahu in awliyaohu illaalmuttaqoona walakinna aktharahum la yaAAlamoon

Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka Masjidka Xurmada leh, mana aha Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn ma aha, Badan koodse ma Oga.

8:35

وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمْ عِندَ ٱلْبَيْتِ إِلَّا مُكَآءً وَتَصْدِيَةً ۚ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ

Wama kana salatuhumAAinda albayti illa mukaan watasdiyatan fathooqooalAAathaba bima kuntum takfuroon

Salaaddooda Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn, ee Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed.

8:36

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُنفِقُونَ أَمْوَٰلَهُمْ لِيَصُدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ ۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ

Inna allatheena kafaroo yunfiqoonaamwalahum liyasuddoo AAan sabeeli Allahifasayunfiqoonaha thumma takoonu AAalayhim hasratanthumma yughlaboona wallatheena kafaroo ilajahannama yuhsharoon

Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna Xaga Jahannamaa Loo kulmin.

8:37

لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلْخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجْعَلَ ٱلْخَبِيثَ بَعْضَهُۥ عَلَىٰ بَعْضٍ فَيَرْكُمَهُۥ جَمِيعًا فَيَجْعَلَهُۥ فِى جَهَنَّمَ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَـٰسِرُونَ

Liyameeza Allahu alkhabeetha mina attayyibiwayajAAala alkhabeetha baAAdahu AAala baAAdinfayarkumahu jameeAAan fayajAAalahu fee jahannama ola-ikahumu alkhasiroon

in Eebe kala Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale Korkeeda uuna Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa Khasaaray.

8:38

قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِن يَنتَهُوا۟ يُغْفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفَ وَإِن يَعُودُوا۟ فَقَدْ مَضَتْ سُنَّتُ ٱلْأَوَّلِينَ

Qul lillatheena kafaroo in yantahooyughfar lahum ma qad salafa wa-in yaAAoodoo faqad madatsunnatu al-awwaleen

Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore.

8:39

وَقَـٰتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِ ۚ فَإِنِ ٱنتَهَوْا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

Waqatiloohum hatta latakoona fitnatun wayakoona addeenu kulluhu lillahifa-ini intahaw fa-inna Allaha bima yaAAmaloona baseer

la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu Arkayaa.

8:40

وَإِن تَوَلَّوْا۟ فَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ مَوْلَىٰكُمْ ۚ نِعْمَ ٱلْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ ٱلنَّصِيرُ

Wa-in tawallaw faAAlamoo anna Allahamawlakum niAAma almawla waniAAma annaseer

Hadday Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare.

8:41

۞ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا غَنِمْتُم مِّن شَىْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمْ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا يَوْمَ ٱلْفُرْقَانِ يَوْمَ ٱلْتَقَى ٱلْجَمْعَانِ ۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

WaAAlamoo annama ghanimtummin shay-in faanna lillahi khumusahu walirrasooliwalithee alqurba walyatama walmasakeeniwabni assabeeli in kuntum amantum billahiwama anzalna AAala AAabdina yawmaalfurqani yawma iltaqa aljamAAani wallahuAAala kulli shay-in qadeer

Ogaadana waxaad Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku, iyo Qaraabada, iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta, Maalintay kulmeen Labadii Col (Badar) Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa.

8:42

إِذْ أَنتُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلدُّنْيَا وَهُم بِٱلْعُدْوَةِ ٱلْقُصْوَىٰ وَٱلرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنكُمْ ۚ وَلَوْ تَوَاعَدتُّمْ لَٱخْتَلَفْتُمْ فِى ٱلْمِيعَـٰدِ ۙ وَلَـٰكِن لِّيَقْضِىَ ٱللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَىَّ عَنۢ بَيِّنَةٍ ۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ

Ith antum bilAAudwati addunyawahum bilAAudwati alquswa warrakbuasfala minkum walaw tawaAAadtum lakhtalaftum feealmeeAAadi walakin liyaqdiya Allahuamran kana mafAAoolan liyahlika man halaka AAan bayyinatinwayahya man hayya AAan bayyinatin wa-innaAllaha lasameeAAun AAaleem

Xusuusta markaad ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad isku Khilaafi lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in Cidto, Ciddii Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og.

8:43

إِذْ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِى مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَىٰكَهُمْ كَثِيرًا لَّفَشِلْتُمْ وَلَتَنَـٰزَعْتُمْ فِى ٱلْأَمْرِ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَ ۗ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Ith yureekahumu Allahu fee manamikaqaleelan walaw arakahum katheeran lafashiltum walatanazaAAtumfee al-amri walakinna Allaha sallama innahuAAaleemun bithati assudoor

Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.

8:44

وَإِذْ يُرِيكُمُوهُمْ إِذِ ٱلْتَقَيْتُمْ فِىٓ أَعْيُنِكُمْ قَلِيلًا وَيُقَلِّلُكُمْ فِىٓ أَعْيُنِهِمْ لِيَقْضِىَ ٱللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرْجَعُ ٱلْأُمُورُ

Wa-ith yureekumoohum ithiiltaqaytum fee aAAyunikum qaleelan wayuqallilukum fee aAAyunihimliyaqdiya Allahu amran kana mafAAoolan wa-ilaAllahi turjaAAu al-omoor

Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin Unuuraha.

8:45

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا لَقِيتُمْ فِئَةً فَٱثْبُتُوا۟ وَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

Ya ayyuha allatheena amanooitha laqeetum fi-atan fathbutoo wathkurooAllaha katheeran laAAallakum tuflihoon

Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la Kulantaan Koox (Cadow ah) Sugnaada Xusana Eebe wax Badan inaad Liibaantaan.

8:46

وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَـٰزَعُوا۟ فَتَفْشَلُوا۟ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَٱصْبِرُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

WaateeAAoo Allaha warasoolahuwala tanazaAAoo fatafshaloo watathhaba reehukumwasbiroo inna Allaha maAAa assabireen

Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta).

8:47

وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّذِينَ خَرَجُوا۟ مِن دِيَـٰرِهِم بَطَرًا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ

Wala takoonoo kallatheenakharajoo min diyarihim bataran wari-aa annasiwayasuddoona AAan sabeeli Allahi wallahubima yaAAmaloona muheet

Hana ka mid Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis kana Celinaya (Dadka) Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali.

8:48

وَإِذْ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَـٰنُ أَعْمَـٰلَهُمْ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلْيَوْمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّى جَارٌ لَّكُمْ ۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلْفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ وَقَالَ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّنكُمْ إِنِّىٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوْنَ إِنِّىٓ أَخَافُ ٱللَّهَ ۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ

Wa-ith zayyana lahumu ashshaytanuaAAmalahum waqala la ghaliba lakumualyawma mina annasi wa-innee jarun lakumfalamma taraati alfi-atani nakasaAAala AAaqibayhi waqala innee baree-on minkum inneeara ma la tarawna innee akhafu Allahawallahu shadeedu alAAiqab

Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane.

8:49

إِذْ يَقُولُ ٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَـٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمْ ۗ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Ith yaqoolu almunafiqoona wallatheenafee quloobihim maradun gharra haola-ideenuhum waman yatawakkal AAala Allahi fa-inna AllahaAAazeezun hakeem

Markay dhahayeen Munaafiqiintu iyo kuwa Cudurku Qalbiga kaga jiro, waxaa Dhagray Kuwaas Diintooda, Ciddii Eebe tala saarata Ilaahay waa Adkaade Falsan.

8:50

وَلَوْ تَرَىٰٓ إِذْ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ۙ ٱلْمَلَـٰٓئِكَةُ يَضْرِبُونَ وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَـٰرَهُمْ وَذُوقُوا۟ عَذَابَ ٱلْحَرِيقِ

Walaw tara ith yatawaffaallatheena kafaroo almala-ikatu yadriboonawujoohahum waadbarahum wathooqoo AAathaba alhareeq

Haddaad Aragto Markay Oofsan (Nafta ka qaadi) Malaa'igtu kuwii Gaaloobay oy ka Garaaci Wajiyadooda iyo Gadaashooda iyagoo ku Dhihi Dhadhamiya Cadaabka Gubidda (waxaad arki lahayd Arrin wayn).

8:51

ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيكُمْ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّـٰمٍ لِّلْعَبِيدِ

Thalika bima qaddamat aydeekumwaanna Allaha laysa bithallaminlilAAabeed

Arrintaasuna waa waxay hormarsatay Gacmihiinnu darteed Eebana ma Dulmiyo Addoomada.

8:52

كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ ۙ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِىٌّ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ

Kada/bi ali firAAawna wallatheenamin qablihim kafaroo bi-ayati Allahi faakhathahumuAllahu bithunoobihim inna Allaha qawiyyunshadeedu alAAiqab

Waa Caadadii Fircoon Qomkiisii iyo kuwii ka horreeyey ee ka Gaaloobay Aayaadkii Eebe oo Eebe Qabtay Dambigooda Dartiis, Eebana waa Xoong badane Ciqaab daran.

8:53

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّرًا نِّعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَىٰ قَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ ۙ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

Thalika bi-anna Allaha lamyaku mughayyiran niAAmatan anAAamaha AAala qawmin hattayughayyiroo ma bi-anfusihim waanna Allaha sameeAAunAAaleem

Arrintaasna waa inaan Eebe doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka Dooriyaan wax Naftooda ah, Eebana waa Maqla Og.

8:54

كَدَأْبِ ءَالِ فِرْعَوْنَ ۙ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَـٰتِ رَبِّهِمْ فَأَهْلَكْنَـٰهُم بِذُنُوبِهِمْ وَأَغْرَقْنَآ ءَالَ فِرْعَوْنَ ۚ وَكُلٌّ كَانُوا۟ ظَـٰلِمِينَ

Kada/bi ali firAAawna wallatheenamin qablihim kaththaboo bi-ayati rabbihimfaahlaknahum bithunoobihim waaghraqna alafirAAawna wakullun kanoo thalimeen

Waa Caadadii Fircoon Qoomkiisii iyo kuwii ka Horreeyey, waxay ka Gaaloobeen Aayadkii Eebahood markaasuu Halaagay Dambigooda Dartiis waxayna Dhammaan ahaayeen Daalimiin.

8:55

إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

Inna sharra addawabbi AAindaAllahi allatheena kafaroo fahum la yu/minoon

Dhul Socde waxaa ugu Shar badan Eebe Agtiisa kuwa Gaaloobay oon Rumeynin.

8:56

ٱلَّذِينَ عَـٰهَدتَّ مِنْهُمْ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهْدَهُمْ فِى كُلِّ مَرَّةٍ وَهُمْ لَا يَتَّقُونَ

Allatheena AAahadta minhumthumma yanqudoona AAahdahum fee kulli marratin wahum layattaqoon

ee ah Kuwaad la Ballantay markaas Buriya Ballankooda mar kasta, oon Dhawrsanayn.

8:57

فَإِمَّا تَثْقَفَنَّهُمْ فِى ٱلْحَرْبِ فَشَرِّدْ بِهِم مَّنْ خَلْفَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ

Fa-imma tathqafannahum fee alharbifasharrid bihim man khalfahum laAAallahum yaththakkaroon

Haddaad ku Libaanto (Adkaato) Dagaalka ku Eri (xanuuji) kuwa ka Dambeeya inay Xusuustaan.

8:58

وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوْمٍ خِيَانَةً فَٱنۢبِذْ إِلَيْهِمْ عَلَىٰ سَوَآءٍ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْخَآئِنِينَ

Wa-imma takhafanna min qawminkhiyanatan fanbith ilayhim AAalasawa-in inna Allaha la yuhibbu alkha-ineen

Haddaad ka Cabsato Qoom Khayaanadii u Tuur (Ogaysii) Ballankii si siman, Illeen Eebe ma Jeela Khaa'imiinta.

8:59

وَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ سَبَقُوٓا۟ ۚ إِنَّهُمْ لَا يُعْجِزُونَ

Wala yahsabanna allatheenakafaroo sabaqoo innahum la yuAAjizoon

Yeyna u malayn kuwii Gaaloobay inay Carari (Karaan) iyagu ma Daaliyaan (Eebe).

8:60

وَأَعِدُّوا۟ لَهُم مَّا ٱسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ ٱلْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لَا تَعْلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعْلَمُهُمْ ۚ وَمَا تُنفِقُوا۟ مِن شَىْءٍ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنتُمْ لَا تُظْلَمُونَ

WaaAAiddoo lahum ma istataAAtummin quwwatin wamin ribati alkhayli turhiboona bihiAAaduwwa Allahi waAAaduwwakum waakhareena mindoonihim la taAAlamoonahumu Allahu yaAAlamuhum wamatunfiqoo min shay-in fee sabeeli Allahi yuwaffa ilaykumwaantum la tuthlamoon

Ugu Darbada waxaad kartaan oo Xooga, iyo Darbidda Fardaha inaad ku Cabsi galisaan Colka Eebe iyo Colkiina (Galaada) iyo kuwa kale oo ka soo hadhay (Munafiqiinta) ma ogidin Eebaase Og, waxaad ku Bixisaan Jidka Eebana waa laydiin oofin (Dhammayn) idinkoon laydin Dulmiyeyn.

8:61

۞ وَإِن جَنَحُوا۟ لِلسَّلْمِ فَٱجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ

Wa-in janahoo lissalmi fajnahlaha watawakkal AAala Allahi innahu huwa assameeAAualAAaleem

Hadday u Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun Maqla ognee.

8:62

وَإِن يُرِيدُوٓا۟ أَن يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ ٱللَّهُ ۚ هُوَ ٱلَّذِىٓ أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِۦ وَبِٱلْمُؤْمِنِينَ

Wa-in yureedoo an yakhdaAAooka fa-inna hasbakaAllahu huwa allathee ayyadaka binasrihi wabilmu/mineen

Hadday Doonaan inay ku Dhagraan waxaa Kaafiyahaaga ah Eebaha kugu Xoojiya Gargaarkiisa iyo Mu'miniinta.

8:63

وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنفَقْتَ مَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا مَّآ أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَـٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Waallafa bayna quloobihim law anfaqta mafee al-ardi jameeAAan ma allafta bayna quloobihimwalakinna Allaha allafa baynahum innahu AAazeezun hakeem

Isuna soo Dumay Quluubtooda, haddaad Bixiso waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan Maadan isu Dunteen Quluubtooda, Eebaase isu Dumay Dhexdooda Illeen isagaa Adkaade falsan ehe.

8:64

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ حَسْبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Ya ayyuha annabiyyu hasbukaAllahu wamani ittabaAAaka mina almu/mineen

Nabiyow waxaa kugu Filan Eebe Adi iyo inta ku Raacday ee Mu'miniinta ah.

8:65

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ حَرِّضِ ٱلْمُؤْمِنِينَ عَلَى ٱلْقِتَالِ ۚ إِن يَكُن مِّنكُمْ عِشْرُونَ صَـٰبِرُونَ يَغْلِبُوا۟ مِا۟ئَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّا۟ئَةٌ يَغْلِبُوٓا۟ أَلْفًا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ

Ya ayyuha annabiyyu harridialmu/mineena AAala alqitali in yakun minkumAAishroona sabiroona yaghliboo mi-atayni wa-in yakunminkum mi-atun yaghliboo alfan mina allatheena kafaroobi-annahum qawmun la yafqahoon

Nabiyow ku boorri mu'miniinta Dagaalka hadday idinka Mid yihiin Labaatan Samra (Adkaysta) Waxay ka adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Boqol waxay ka Adkaan Kun ah kuwa Gaaloobay Illeen waa Qoomaan wax kasayne.

8:66

ٱلْـَٔـٰنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا ۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّا۟ئَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُوا۟ مِا۟ئَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمْ أَلْفٌ يَغْلِبُوٓا۟ أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ

Al-ana khaffafa Allahu AAankumwaAAalima anna feekum daAAfan fa-in yakun minkum mi-atun sabiratunyaghliboo mi-atayni wa-in yakun minkum alfun yaghliboo alfaynibi-ithni Allahi wallahu maAAa assabireen

Hadda wuu idinka Fududeeyey Eebe wuxuuna ogyahay inaad tabar Yartihiin hadday idinka Mid yihiin Boqol Samra (Adkaysta) waxay ka Adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Kunna waxay ka Adkaan Labo Kun Idanka Eebe, ILaahayna wuxuu la Jiraa kuwa samra.

8:67

مَا كَانَ لِنَبِىٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنْيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلْـَٔاخِرَةَ ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Ma kana linabiyyin an yakoonalahu asra hatta yuthkhina fee al-arditureedoona AAarada addunya wallahuyureedu al-akhirata wallahu AAazeezun hakeem

Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan.

8:68

لَّوْلَا كِتَـٰبٌ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمْ فِيمَآ أَخَذْتُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Lawla kitabun mina Allahisabaqa lamassakum feema akhathtum AAathabunAAatheem

Hadduusan Jirin Kitaab Eebe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen Darteed Cadaab wayn.

8:69

فَكُلُوا۟ مِمَّا غَنِمْتُمْ حَلَـٰلًا طَيِّبًا ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Fakuloo mimma ghanimtum halalantayyiban wattaqoo Allaha inna Allahaghafoorun raheem

ee Cuna waxaad Qanimaysataan oo Xalaal Fiicana kana dhawrsada Eebe Illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee.

8:70

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ قُل لِّمَن فِىٓ أَيْدِيكُم مِّنَ ٱلْأَسْرَىٰٓ إِن يَعْلَمِ ٱللَّهُ فِى قُلُوبِكُمْ خَيْرًا يُؤْتِكُمْ خَيْرًا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Ya ayyuha annabiyyuqul liman fee aydeekum mina al-asra in yaAAlami Allahufee quloobikum khayran yu/tikum khayran mimma okhithaminkum wayaghfir lakum wallahu ghafoorun raheem

Nabiyow ku Dheh kuwa la Qafaashay ee Gacmihiinna ku jira hadduu ku Ogyahay Eebe Quluubtiina Khayr wuxuu idin siin mid ka Khayrroon wixii laydinka Qaaday wuuna idiin Dhaafi, Eebana waa Dhaafe Naxariista.

8:71

وَإِن يُرِيدُوا۟ خِيَانَتَكَ فَقَدْ خَانُوا۟ ٱللَّهَ مِن قَبْلُ فَأَمْكَنَ مِنْهُمْ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ

Wa-in yureedoo khiyanataka faqad khanooAllaha min qablu faamkana minhum wallahuAAaleemun hakeem

Hadday Doonaan Khiyaamadaadana waxay Khayaameen Eebe mar hore markaasuu idin Makaniyey Eebana waa Oge Falsan.

8:72

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَوا۟ وَّنَصَرُوٓا۟ أُو۟لَـٰٓئِكَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَلَمْ يُهَاجِرُوا۟ مَا لَكُم مِّن وَلَـٰيَتِهِم مِّن شَىْءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا۟ ۚ وَإِنِ ٱسْتَنصَرُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ فَعَلَيْكُمُ ٱلنَّصْرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوْمٍۭ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُم مِّيثَـٰقٌ ۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

Inna allatheena amanoo wahajaroowajahadoo bi-amwalihim waanfusihim fee sabeeli Allahiwallatheena awaw wanasaroo ola-ikabaAAduhum awliyao baAAdin wallatheenaamanoo walam yuhajiroo ma lakum min walayatihimmin shay-in hatta yuhajiroo wa-ini istansarookumfee addeeni faAAalaykumu annasru illaAAala qawmin baynakum wabaynahum meethaqun wallahubima taAAmaloona baseer

Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda Jidka Eebe iyo kuwa Dumay (soo Dhaweeyey) una Gargaaray kuwaasu Qaarkood waa Gargaaraha Qaar, kuwa Rumeeyey oon hijroonin Gargaarkooda waxba idinkama Saarra intay ka Hijrooni, haddayse idiinku Gargaar warsadaan Diinta korkiinna Gargaarbaa ah qaar Dhexdiinna Ballan yahay mooyee, Eebana waxaad Falaysaan wuu Arkaa.

8:73

وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ ۚ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُن فِتْنَةٌ فِى ٱلْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ

Wallatheena kafaroo baAAduhumawliyao baAAdin illa tafAAaloohu takunfitnatun fee al-ardi wafasadun kabeer

Kuwa Gaaloobay Qaarkood Waa Sokeeyaha Qaar haddaydaan saas falinna (Ogaanna) Fidmaa ahaan Dhulka iyo Fasaad wayn.

8:74

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَوا۟ وَّنَصَرُوٓا۟ أُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ

Wallatheena amanoo wahajaroowajahadoo fee sabeeli Allahi wallatheenaawaw wanasaroo ola-ika humu almu/minoona haqqanlahum maghfiratun warizqun kareem

Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Jidka Eebe iyo kuwa soo Dhaweeyey una Gargaaray kuwaasu iyagaa Mu'miniina Dhaba ah, waxayna Mudan Dambi Dhaafid iyo Rizqi Sharafle.

8:75

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ مَعَكُمْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مِنكُمْ ۚ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۢ

Wallatheena amanoo minbaAAdu wahajaroo wajahadoo maAAakum faola-ikaminkum waoloo al-arhami baAAduhum awlabibaAAdin fee kitabi Allahi inna Allahabikulli shay-in AAaleem

Kuwa Rumeeya Gadaal oo Hijrooda oo Jahaada la Jirkiinna kuwaasu waa idinka mid, Qaraabadaana Qaarkeed Qaar ku Mudanyahay Xukunka Eebe Ilaahayna waxkasta waa ogyahay.