حمٓ
Ha-meem
Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa.
The Wind-Curved Sandhills
حمٓ
Ha-meem
Waxay ku Tusin mucjisada Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa.
تَنزِيلُ ٱلْكِتَـٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Tanzeelu alkitabi mina AllahialAAazeezi alhakeem
Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa.
مَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَمَّآ أُنذِرُوا۟ مُعْرِضُونَ
Ma khalaqna assamawatiwal-arda wama baynahuma illabilhaqqi waajalin musamman wallatheenakafaroo AAamma onthiroo muAAridoon
Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka jeedsadeen.
قُلْ أَرَءَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِى مَاذَا خَلَقُوا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ ۖ ٱئْتُونِى بِكِتَـٰبٍ مِّن قَبْلِ هَـٰذَآ أَوْ أَثَـٰرَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَـٰدِقِينَ
Qul araaytum ma tadAAoona min dooniAllahi aroonee matha khalaqoo mina al-ardiam lahum shirkun fee assamawati eetooneebikitabin min qabli hatha aw atharatin minAAilmin in kuntum sadiqeen
Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka, ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan.
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَـٰمَةِ وَهُمْ عَن دُعَآئِهِمْ غَـٰفِلُونَ
Waman adallu mimman yadAAoo min dooniAllahi man la yastajeebu lahu ila yawmialqiyamati wahum AAan duAAa-ihim ghafiloon
Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn).
وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُوا۟ لَهُمْ أَعْدَآءً وَكَانُوا۟ بِعِبَادَتِهِمْ كَـٰفِرِينَ
Wa-itha hushira annasukanoo lahum aAAdaan wakanoo biAAibadatihimkafireen
Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri.
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَـٰتُنَا بَيِّنَـٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ هَـٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Wa-itha tutla AAalayhim ayatunabayyinatin qala allatheena kafaroo lilhaqqilamma jaahum hatha sihrun mubeen
Marka gaalada lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu kani waa sixir cad.
أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰهُ ۖ قُلْ إِنِ ٱفْتَرَيْتُهُۥ فَلَا تَمْلِكُونَ لِى مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ ۖ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ ۖ وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
Am yaqooloona iftarahu qul iniiftaraytuhu fala tamlikoona lee mina Allahi shay-anhuwa aAAlamu bima tufeedoona feehi kafa bihishaheedan baynee wabaynakum wahuwa alghafooru arraheem
Waxay dhihi waa been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe naxariista ah.
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدْرِى مَا يُفْعَلُ بِى وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Qul ma kuntu bidAAan mina arrusuliwama adree ma yufAAalu bee wala bikum inattabiAAu illa ma yooha ilayya wamaana illa natheerun mubeen
Waxaad dhahdaa ma ihi bideci ka gaar ah Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay waxyoodo (ee quraanka ah) waxaana ahay u dige cad (oo muuqda).
قُلْ أَرَءَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرْتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسْتَكْبَرْتُمْ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ
Qul araaytum in kana min AAindi Allahiwakafartum bihi washahida shahidun min banee isra-eelaAAala mithlihi faamana wastakbartum innaAllaha la yahdee alqawma aththalimeen
Waxaad Dhahdaa bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale (xaqnimada iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is kibriseen, Eebana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah,
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ ۚ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا۟ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَـٰذَآ إِفْكٌ قَدِيمٌ
Waqala allatheena kafaroolillatheena amanoo law kana khayran masabaqoona ilayhi wa-ith lam yahtadoo bihifasayaqooloona hatha ifkun qadeem
Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah) waa beenihii hore.
وَمِن قَبْلِهِۦ كِتَـٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ وَهَـٰذَا كِتَـٰبٌ مُّصَدِّقٌ لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ
Wamin qablihi kitabu moosa imamanwarahmatan wahatha kitabun musaddiqunlisanan AAarabiyyan liyunthira allatheena thalamoowabushra lilmuhsineen
Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay.
إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُوا۟ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسْتَقَـٰمُوا۟ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
Inna allatheena qaloo rabbunaAllahu thumma istaqamoo fala khawfunAAalayhim wala hum yahzanoon
kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma arkaan.
أُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ ٱلْجَنَّةِ خَـٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءًۢ بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Ola-ika as-habualjannati khalideena feeha jazaan bimakanoo yaAAmaloon
Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed.
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَـٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ إِحْسَـٰنًا ۖ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا ۖ وَحَمْلُهُۥ وَفِصَـٰلُهُۥ ثَلَـٰثُونَ شَهْرًا ۚ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَـٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَصْلِحْ لِى فِى ذُرِّيَّتِىٓ ۖ إِنِّى تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّى مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Wawassayna al-insanabiwalidayhi ihsanan hamalat-hu ommuhukurhan wawadaAAat-hu kurhan wahamluhu wafisaluhuthalathoona shahran hatta ithabalagha ashuddahu wabalagha arbaAAeena sanatan qala rabbiawziAAnee an ashkura niAAmataka allatee anAAamta AAalayya waAAalawalidayya waan aAAmala salihan tardahuwaaslih lee fee thurriyyatee innee tubtuilayka wa-innee mina almuslimeen
Dadka waxaan u dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay Aniga iyo waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta.
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا۟ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمْ فِىٓ أَصْحَـٰبِ ٱلْجَنَّةِ ۖ وَعْدَ ٱلصِّدْقِ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ
Ola-ika allatheena nataqabbaluAAanhum ahsana ma AAamiloo wanatajawazu AAansayyi-atihim fee as-habi aljannati waAAda assidqiallathee kanoo yooAAadoon
Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay yabooh run ah.
وَٱلَّذِى قَالَ لِوَٰلِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِىٓ أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ خَلَتِ ٱلْقُرُونُ مِن قَبْلِى وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيْلَكَ ءَامِنْ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَـٰذَآ إِلَّآ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Wallathee qala liwalidayhioffin lakuma ataAAidaninee an okhraja waqad khalatialquroonu min qablee wahuma yastagheethani Allahawaylaka amin inna waAAda Allahi haqqunfayaqoolu ma hatha illa asateerual-awwaleen
Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi waxaasi waa beentii dadkii hore.
أُو۟لَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ ٱلْقَوْلُ فِىٓ أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ خَـٰسِرِينَ
Ola-ika allatheena haqqaAAalayhimu alqawlu fee umamin qad khalat min qablihim minaaljinni wal-insi innahum kanoo khasireen
Kuwaasi waa kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo Jinni iyo Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray.
وَلِكُلٍّ دَرَجَـٰتٌ مِّمَّا عَمِلُوا۟ ۖ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَـٰلَهُمْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Walikullin darajatun mimmaAAamiloo waliyuwaffiyahum aAAmalahum wahum la yuthlamoon
Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon la dulmiyaynin.
وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَـٰتِكُمْ فِى حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنْيَا وَٱسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ ٱلْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَفْسُقُونَ
Wayawma yuAAradu allatheenakafaroo AAala annari athhabtum tayyibatikumfee hayatikumu addunya wastamtaAAtumbiha falyawma tujzawna AAathaba alhooni bimakuntum tastakbiroona fee al-ardi bighayri alhaqqiwabima kuntum tafsuqoon
(Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu dhihi waxaad wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah, iskibrintiinnii aad xaq darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed.
۞ وَٱذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُۥ بِٱلْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦٓ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
Wathkur akha AAadinith anthara qawmahu bil-ahqafiwaqad khalati annuthuru min bayni yadayhi waminkhalfihi alla taAAbudoo illa Allaha inneeakhafu AAalaykum AAathaba yawmin AAatheem
Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad maalin wayn/
قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّـٰدِقِينَ
Qaloo aji/tana lita/fikanaAAan alihatina fa/tina bima taAAidunain kunta mina assadiqeen
Waxay ku dheheen ma waxaad noola timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad run sheegeyso,
قَالَ إِنَّمَا ٱلْعِلْمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرْسِلْتُ بِهِۦ وَلَـٰكِنِّىٓ أَرَىٰكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ
Qala innama alAAilmu AAindaAllahi waoballighukum ma orsiltu bihi walakinneearakum qawman tajhaloon
Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh (goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa jaahiliin ah.
فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا۟ هَـٰذَا عَارِضٌ مُّمْطِرُنَا ۚ بَلْ هُوَ مَا ٱسْتَعْجَلْتُم بِهِۦ ۖ رِيحٌ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌ
Falamma raawhu AAaridanmustaqbila awdiyatihim qaloo hatha AAaridunmumtiruna bal huwa ma istaAAjaltum bihi reehunfeeha AAathabun aleem
Markay Gaaladii Reer caad arkeen caddibaaddii (Sida daruur) oo Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad darani ku jirto.
تُدَمِّرُ كُلَّ شَىْءٍۭ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا۟ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَـٰكِنُهُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْقَوْمَ ٱلْمُجْرِمِينَ
Tudammiru kulla shay-in bi-amri rabbihafaasbahoo la yura illa masakinuhumkathalika najzee alqawma almujrimeen
Wax kasta oy martana way burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah.
وَلَقَدْ مَكَّنَّـٰهُمْ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّـٰكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًا وَأَبْصَـٰرًا وَأَفْـِٔدَةً فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَآ أَبْصَـٰرُهُمْ وَلَآ أَفْـِٔدَتُهُم مِّن شَىْءٍ إِذْ كَانُوا۟ يَجْحَدُونَ بِـَٔايَـٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Walaqad makkannahum feema inmakkannakum feehi wajaAAalna lahum samAAan waabsaranwaaf-idatan fama aghna AAanhum samAAuhum walaabsaruhum wala af-idatuhum min shay-in ith kanooyajhadoona bi-ayati Allahi wahaqabihim ma kanoo bihi yastahzi-oon
Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku jees jeesayeen.
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا مَا حَوْلَكُم مِّنَ ٱلْقُرَىٰ وَصَرَّفْنَا ٱلْـَٔايَـٰتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Walaqad ahlakna ma hawlakummina alqura wasarrafna al-ayatilaAAallahum yarjiAAoon
Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo.
فَلَوْلَا نَصَرَهُمُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ قُرْبَانًا ءَالِهَةًۢ ۖ بَلْ ضَلُّوا۟ عَنْهُمْ ۚ وَذَٰلِكَ إِفْكُهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ
Falawla nasarahumu allatheenaittakhathoo min dooni Allahi qurbanan alihatanbal dalloo AAanhum wathalika ifkuhum wama kanooyaftaroon
Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii iyo war abuurashadoodii.
وَإِذْ صَرَفْنَآ إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ ٱلْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ ٱلْقُرْءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓا۟ أَنصِتُوا۟ ۖ فَلَمَّا قُضِىَ وَلَّوْا۟ إِلَىٰ قَوْمِهِم مُّنذِرِينَ
Wa-ith sarafna ilaykanafaran mina aljinni yastamiAAoona alqur-ana falammahadaroohu qaloo ansitoo falammaqudiya wallaw ila qawmihim munthireen
Xusuuso markaan kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi.
قَالُوا۟ يَـٰقَوْمَنَآ إِنَّا سَمِعْنَا كِتَـٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعْدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِىٓ إِلَى ٱلْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ مُّسْتَقِيمٍ
Qaloo ya qawmana innasamiAAna kitaban onzila min baAAdi moosa musaddiqanlima bayna yadayhi yahdee ila alhaqqi wa-ilatareeqin mustaqeem
Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan.
يَـٰقَوْمَنَآ أَجِيبُوا۟ دَاعِىَ ٱللَّهِ وَءَامِنُوا۟ بِهِۦ يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُجِرْكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ
Ya qawmana ajeeboo daAAiyaAllahi waaminoo bihi yaghfir lakum min thunoobikumwayujirkum min AAathabin aleem
Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane;
وَمَن لَّا يُجِبْ دَاعِىَ ٱللَّهِ فَلَيْسَ بِمُعْجِزٍ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَيْسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءُ ۚ أُو۟لَـٰٓئِكَ فِى ضَلَـٰلٍ مُّبِينٍ
Waman la yujib daAAiya Allahifalaysa bimuAAjizin fee al-ardi walaysa lahu min doonihiawliyaa ola-ika fee dalalin mubeen
Ruuxaan ajiibin (raacin) uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan.
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَلَمْ يَعْىَ بِخَلْقِهِنَّ بِقَـٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ ۚ بَلَىٰٓ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Awa lam yaraw anna Allaha allatheekhalaqa assamawati wal-ardawalam yaAAya bikhalqihinna biqadirin AAala an yuhyiyaalmawta bala innahu AAala kulli shay-inqadeer
Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma aha ee Eebe wax walba oo uu doono wuu karaa.
وَيَوْمَ يُعْرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيْسَ هَـٰذَا بِٱلْحَقِّ ۖ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَرَبِّنَا ۚ قَالَ فَذُوقُوا۟ ٱلْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ
Wayawma yuAAradu allatheenakafaroo AAala annari alaysa hatha bilhaqqiqaloo bala warabbina qala fathooqooalAAathaba bima kuntum takfuroon
Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn kan (caddibaadda ah) markaasay dhahaan Eebaan ku dhaawannaye waa xaq, Eebe wuxuu ku dhahaa dhadhamiya caddibaadda Gaalnimadiinna darteed.
فَٱصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْعَزْمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِل لَّهُمْ ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا سَاعَةً مِّن نَّهَارٍۭ ۚ بَلَـٰغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا ٱلْقَوْمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ
Fasbir kama sabaraoloo alAAazmi mina arrusuli wala tastaAAjil lahumkaannahum yawma yarawna ma yooAAadoona lam yalbathoo illasaAAatan min naharin balaghun fahal yuhlakuilla alqawmu alfasiqoon
Usamir siday u samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee rasuullada ahaa, hana ku dagdagin in la caddibo waxay la midnoqon markay arkaan waxa loogu goodiyay ineeyan ku nagaanin Adduunka Saacad maalin ah waxaan ahayn, Quraankuna waa gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah umbaana la halaagaa.